4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Ciidamada Dowladda Somalia oo howlgallo dad lagu soo qabqabtay ka sameeyay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Degmada Marko
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howgallo ay maanta ka sameeyeen jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye illaa degmada Marko ayaa waxay ku qabqabteen rag hubeysan oo ay sheegeen inay qaarkood wateen tuutaha ciidamada xoogga dalka.

Howgalladan ayay saraakiisha dowladdu ku sheegeen inay qayb ka yihiin kuwo lagu sugayo ammaanka goobaha ay dowladdu ka taliso oo ay ku jirto Muqdisho, iyadoo dadka la qabtay la sheegay ku jiraan dad shacab ah oo hubeysan.

"Waxaan howgallo maanta laga sameeyay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Marko lagu soo qabqabtay 17-qof oo ay ku jiraan kuwo labisan dharka ciidamada dowaldda oo hubeysan. Dhammaantood baaritaanno ayaa lagu sameyn doonaa," ayuu yiri Jen. Cali Caraaye Cosoble (Gacma-duulle) oo ka warbixinayay howgalka ay ciidamada dowladdu sameeyeen maanta.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay howlgan noocan oo kale oo Muqdisho ay ka sameeyeen waxay kusoo qabqabteen in ka badan 100 qof oo qaarkood ay xirnaayeen dharka ciidamada milateriga, kuwaasoo la sheegay inay si sharci-darro ah hub ugu dhexwateen magaalada.

Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in howgalladan ay qayb ka yihiin la dagaalanka isbaarooyinka la dhigto qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho, iyadoo aanay jirin wax khasaare ah oo dhacay intii ay howgalladu socdeen maanta.

Dhanka kale, ciidamada dowladda ayaa iyagana saakay lagu arkayay jidka dheer ee warshadaha oo dhinaca waqooyi ka mara magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaar ka mid ah deegaannada waddadaas ku teedsan ka sameynayay howgallo baaritaanno ah, inkastoo aan la ogeyn cid ay ku qabteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya