4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Tahriibayaal Soomaaliyeed oo qaarkood ku dhintay badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga kaddib markii ay la dagtay dooni
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Tiro Soomaali ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dooni ku dagtay biyaha u dhexeeya dalalka Talyaaniga iyo Liibiyo, iyadoo la helay maydadka saddex qof oo Soomaali ah.

Warsaxaafadeed ay soo saareen maanta oo Axad ah ciidamada badda Talyaaniga ayaa waxay ku sheegeen in laba doomood iyo markab ay leeyihiin ay badda kasoo saareen 70-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay inay nool yihiin, balse ay xalaadoodu daran tahay.

"Doonidu waxay ku dagtay meel 35 mayl u jirta biyaha Liibiya Sabtidii shalay," ayaa lagu yiri warbixintan, iyadoo la sheeagy in dadkii la badbaadiyay loo qaaday dhinaca jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga, balse lama sheegin doonida inta qof ee la socday.

Maraakiibta ciidamada badda Talyaaniga iyo diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah ayaa ku jira baadi-goobka dad kale oo doonida ka badbaaday ama kuwo dhintay, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo tahriibayaal Soomaaliyeeed ay dooni kula dagto biyaha u dhexeeya dalalka Talyaaniga iyo Liibiya.

Kumannaan qoxooti Soomaaliyeed ah ayaa ku dhintay badda Mediterranean-ka xilli ay isku dayayeen inay u gudbaan dalalka Yurub, iyadoo kumannaan kalena ay si nabad ah ku gaareen dalka Talyaaniga iyo Jasiiradda Malta oo ay uga gudbaan dalalka kale ee Yurub.

Qoxootiga Soomaalida ee ku dhintay afartii sano ee lasoo dhaafay biyaha isku xira dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa waxay isugu jireen haween uur leh, rag aad dhallinyaro u ah iyo caruur qaarkood ku dhashay doomaha dhexdooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya