4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 4 , 2012
Koox dabley ah oo xalay weeraray saldhigga Booliska ee Degmada Qardho
Axad, November 04, 2012 (HOL) — Is-rasaaseyn qaddar daqiiqado ah socotay ayaa xalay ka dhacday saldhigga booliska degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, kaddib markii koox dabley ahi ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen.

Weerarka saldhigga lagu soo qaaday oo dhacay abbaare  8:00 fiidnimo ee xalay ayaan geysan wax khasaare ah, inkasta oo si weyn looga dareemay xaafadaha saldhigga ka agdhow.

Taliyaha sadhigga booliska ee degmada, Qardho Siciid Xasan Ibraahim oo saaka khadka telefoonka HOL ugu waramay ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dheceen. Wuxuuna sheegay in saldhigga ay soo weerareen rag doonayey in ay xoog kula baxaan maxaabiis loosoo xiray fal-denbiyeedyo kala duwan.

“Xalay waxaa  saldhigga soo weeraray rag  doonayey in ay xoog kula baxaan maxaabiis lasoo  xiray, ciidankuna wuu iska caabiyey,” ayuu yiri Siciid Xasan.

Taliyaha Booliska Qardho oo hadalkiisa sii wata ayaa  tibaaxay in ciidamadu ay si xooggan isaga caabiyeen kooxdii soo weerartay, isagoo xusay in lagu raadj-oogo, sida ugu dhaqsaha bandanna gacanta loogu soo dhigi doono.

Ma ahan markii ugu horeysey ee sidan oo kale loosoo weeraro saldhigga dhexe ee degmada Qardho, haseyeeshee waxaa jirtey dhowr mar oo hore oo si xoog ah maxaabiis loogala baxay.

Waxayna dhacdadani kusoo aadeysaa xilli ay maalmihii u danbeeyey  magaalada Qardho ku sugnaayeen taliyaha ciidamada Booliska ee Puntland iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya