3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2012
Faroole:"Idaacadaha waaweyn ee sida xun uga warama Puntland, ma deyneyno, waan dacweyneynaa"

Jimco, November 30, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shaly magaalada Boosaaso soo gaarey, islamarkaana si weyn loogu soo dhoweeyey, ayaa shir uu Saxaafadda u qabtay kaga hadlay arimo badan.

Waxyaabaha uu sida kulul uga hadlay waxaa kamid ahaa warbaahinta, isagoo sheegay in ay jiraan qaybo kamid ah oo buunbuuniya wararka xun-xun ee Puntland liddiga ku ah; waa sida uu hadalka u dhigaye.

Si gaar ah wuxuu farta ugu fiiqay shaqaalaha ka hawlgala Idaacadaha caalamiga ah ee Af-sooomaaliga ku hadla, wuxuuna tilmaamay in ay si xun wax u faafiyaan, mar uu taas ka hadlayey wuxuu yiri:

"Dhacdadii Qardho oo ay Idaacadaha qaarkood buunbuuniyeen iyaga oo qaba colaad qabiil, gaar ahaan Idaacadaha waaweyn ee aduunka nimanka ka shaqeeya, oo la garan la'yahay waxay ula jeedaan"

Madaxweyne Faroole oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Puntland aysan afka qaban warbaahinta, haseyeeshee aysan raali ka noqon doonin wax walba oo sharciga kahor imaanaya, warbaahintana laga rabo inay noqoto mid anshax leh.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Puntland ay maxkamad la tiigsan doonto Idaacadaha waaweyn, isagoo ku eedeeyey inay farriin khaldan ka gudbiyaan Puntland iyaga oo soo xiganaya dad uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo raqiis ah.

"ma deyneyno waan dacweyneynaa, Looyarraan u qabsaneynaa, dowladahoodaan ku dacweyneynaa, hadda kahorna waan dacweyney markey buun buuniyeen Al-shabaab, markii dagaalku buuraha ka socdey "

Isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yiri: "hadal ma noqonayso dhowr ciyaal ah oo intey meelahaas ku ururaan yiraahda waxaa afka la qabtaa warbaahinta, warbaahintu waa inay anshax iyo akhlaaq leedahay, ninna kama weyna".

Hadalka madaxweynaha Puntland - oo maalintii labaad magaalada Boosaaso ku sugan- ayaa imaanaya xilli mudooyinkii u danbeeyey dadka xuquuqda warbaahinta u dhaq-dhaqaaqaa ay sheegayeen in cadaadis dhanka warbaahinta ahi uu ka jiro Puntland.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya













Click here
11/30/2012 10:51 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Fanaanadda caanka ah ee Saynab Maxamed Cumar Laba Dhagax ayaa maanta muqdisho soo gaartay kadib safarro ay kusoo bixisay dalalka Kenya iyo Uganda.

11/30/2012 10:42 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL)-Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu horkacayay ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

11/30/2012 10:00 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Puntland oo maalintii labaad ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta soo kormeeray dekedda magaalada Boosaaso isaga oo ay weheliyeen xubno ka tirsan golahiisa wasiirada.

11/30/2012 7:25 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in sare loo qaado maqaamka ay dowladda Falastiin ku leedahay Qaramada Midoobay islamarkaasina laga dhigo xubin katirsan kor-joogeyaasha Qaramada Midoobay.

11/30/2012 6:41 AM EST
Khamiis, November, 29, 2012 (HOL)-guud ahaan sanaaduuqdii codbixinta ee golaha deegaanka ayaa xalayba la wada tiriyey, iyadoo magaaladda Hargeysa ilaa tobankii habeenimo la dhameeyey, isla markaana lagu wareejiyey xarunta guud ee Guddida Doorashooyinka.

11/30/2012 4:00 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Dagaal culus oo sababay khasaarooyin kala duwan ayaa ka dhacay nawaaxiga degmada Xudur ee gobolka Bakool, iyadoona dagaalku uu u dhexeeyay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

11/30/2012 2:51 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Maamulka ururka Ahlusunna ee degmada Beledxaawo ayaa gacanta ku dhigay xoolo fara badan oo loo iibgeeyay degmadaasi, kuwaasoo maamulku sheegay in ay leeyihiin Al-shabaab