4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2012
Sanaaduuqdii Codbixinta oo Intooda badan la tiriyey iyo kormeerayaashii caalamiga ahaa oo amaanay nabadgalyada ay ku dhamaatay doorashadu

Khamiis, November, 29, 2012 (HOL)-guud ahaan sanaaduuqdii codbixinta ee golaha deegaanka ayaa xalayba la wada tiriyey, iyadoo magaaladda Hargeysa ilaa tobankii habeenimo la dhameeyey, isla markaana lagu wareejiyey xarunta guud ee Guddida Doorashooyinka.

Inkastoo inta badan musharaxiinta iyo xisbiyadu ay haystaan inta badan gobolada iyo degmooyinka tirooyinka ay ka kala helaan hadana wali si rasmi ah looguma dhawaaqin, maadama oo guud ahaan degmooyinka oo dhan la isku gaynayo, isla markana wixii khalad ah iyo wixii muran ka jira la qiimeyn doono.

Musharaxiinta golaha deegaanka u sharaxan ayaan xalay ka seexan ilaa inta ay ogaanayeen goobaha codbixinta ka dhacday mid waliba tirada uu ka haysto, maadama oo xisbi iyo urur walib uu xubin goobjoog  u ahayd u joogeen goobaha laga codaynayey, waxaanu muraaqib waliba ururkiisa ama xisbigiisa u gudbinayey tirada uu ka helay goobtii uu ku qornaa, taasina waxay fududaysay in musharax walba ogaado tirada codadka uu goobaha codbixinta ka helay.

Xalay ilaa maanta ayaa dib loogu soo celinayey sanaaduuqda xarumaha gobolada si gobol walba guud ahaan loo ogaado inta ka codaysay, isla markaana la isku dari doono guud ahaan dalka inta qof ee ka codeeyey iyo xisbi waliba inta codad ee uu helay, waxaana laga yaabaa inay guddida doorashooyinku ku dhawaaqaan muddo todobaad ah inta ay kala saxayaan wixii khalad ah iyo wixii khilaaf ah ee ka yimaadda sanaaqduuqda.

Sidoo kale, waxa iyaguna goobaha ku sugnaa markii la tirinayey kormeerayaaal caalamiga ah oo qaarkoood aanay ka dul dhaqaaqin ilaa inta sanduuq walba la tirinayey, iyadoo goob kasta markii makhribkii la gaadhay la xidhay isla markiibana la bilaabay tirinteeddii,

Haseyeeshee waxa shalay meelo badan oo dalka ka mid ah ay markiiba ka dhamaatay waraaqii lagu codaynayey, taas oo keentay inay dadku ilaa makhribkii shalay sugayeen in waraaqo kale loo keeno, nasiib darose saacado badan oo ay sugayeen aan loo keenin waraaqo dambe, taasina waxay keentay inay booliskii iyo dadweynihii safka ku jiray isku dhacaan oo meelaha qaarkood dadku ku buuqaan, halka booliskuna ay rasaas ku kala eryeyeen, waxaana shalay goobo badan oo magaaladda Hargeysa ah ka maqlaysay rasaas badan oo dadweynaha safka ku jiray lagu kala eryey maadama oo ay go’een waraaqihii codbixinta.

“anigu fursad uma helin in aan codeeyo waxaanay waraaqihii goobtan ka codaynayey ka go’day casarkii ilaa makhribkjiina waan sugayey, marka arrintaasi waa khalad ay guddida doorashooyinku sameeyeen, waayo waxay ahayd inay ogaadaan goobaha ay dadku ku badan yahay iyo kuwa kale”sidaas waxa yidhi Fu’aad Xasan oo ka mid ah dadkii safafka dhaadheer ku jiray ee wakhtiga hore waraaqihii lagu codaynayey ka go’een.

Sidoo kale, waxa isna shalay jirtay ku celcelin badan oo dadka qaar laba jeer codaynayeen, maadaama oo dawooyinka la marinayey ay haysteen wax ay iskaga masaxaan, taasinay waxay ka dhigtay in dadka qaar goobaha kale duwan kaga soo celceliyaan.

“anigu waxaan codeeyey shan jeer markaan ka soo baxo goobtii codeynta  waxaan dawadii ay I marayeen iskaga masaxay jaafeel iyo liindhanaan”ayuu yidhi wiil dhalinyaro ah oo aan kula kulmay isagoo farta khadka laga mariyey dawo ka masaxda iskaga masaxayey.

Dadweynaha qaar ayaa komishanka doorashooyinka ku eedeeyey inay ka hor tagi karayeen ku noqnoqashada codka dadka qaar iyo waraaaqaha ka go’ay dadkii safarka ku jiray, sido kale waxa jiray in goobaha qaar ciidanku ku yaraado, taasina ay keentay inay dadku xoog ku jiidhaan, inkastoo dadku laftoodu ixtiraamayeen nidaamka si aanay uga khalkhalin ama sanduuqa codeyntu laga calaamadin waayo haddii buuq ka dhasho sanduuq waxa la saarayey calaamad, halkaasi wixii cod ku jiray uu ku khasaareyey, dadkuna inta badan waxay iska diidanayeen nidaamdaro dhexdoodda ka dhaladda oo iyaga is wacdinayey.

Dhinaca kale waxa iyaguna maanta ka hadlay doorashadan kormeerayaashii caalimiga aha ee u yimid inay kormeeraan qaabka doorashadu u dhacayso, waxaanay sheegeen inay si fiican oo degan oo nabadgalyo leh uga dhacday doorashada, waxaase sheegeen inay jiraan waxyaalo badan oo xaga farsamo ahayd oo ahayd in la saxo.

Kormeerayaashan caalamig ah ayaa ka socda 17 dal, waxaanay ka koobnaayeen kontomeeye qof oo kormeerayey 15 degmo oo ka tirsan 21 degmo ee  doorashaddu ka dhacaysay, waxaanay amaanayn sida weyn ee ay dadku iskugu soo baxeen iyo tirada dumarka iyo dhalinyaradda ka qaybtaatay doorashadda oo qaarkoodna codaynayey qaarna loo codaynayey.

 Goobjoogayaashan ayaa sheegay in marka ay isku yimaadaan ay si faahfaahsan u sheegi doonaan waxay soo arkeen wanaag iyo xumaan wixii jiray, maadama oo in badan oo kormeerayaasha caalamiga ahi ku kala maqnaayeen gobolada iyo degmoooyinka, kuwaas oo qiimaynayey nidaamka ay doorashadu u dhacday. Waxaanay sheegeen inay si wanaagsan oo nabadgalyo leh doorashadda u qabsoontay marka laga reebo meelo kooban oo buuq ka dhashay.

 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland