3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 30, 2012
Maamulka Degmada Beledxaawo oo Gacanta ku Dhigay Xoolo la Sheegay in ay Shabaab u iibgeeyeen Degmadaasi
Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Maamulka ururka Ahlusunna ee degmada Beledxaawo ayaa gacanta ku dhigay xoolo fara badan oo loo iibgeeyay degmadaasi, kuwaasoo maamulku sheegay in ay leeyihiin Al-shabaab.

Afhayeenka ururka Ahlusunna ee gobolllada Koonfureed Sheekh Max’ed Xuseen Al-qaadi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xoolo fara badan oo isugu jira Geel, Lo' iyo Ari kuwaasoo ay xoogagga Al-shabaab rag u soo dhiibeen si magaalada Beledxaawo loogu iibiyo.

Masuulkani ayaa xusay in arintaasi ay kusoo wargeliyeen qaar katirsan dadkii xoolaha lahaa, wuxuuna sheegay in xoolahani ay yihiin kuwo ay Al-shabaab zako ahaan uga qaadeen shacabka ku dhaqan gobolka Gedo, islamarkaasina loo soo dhiibay rag si ay halkani ugu iibyaan.

“Xoolo ay soo dhaceen oo zako ahaan u soo qaadeen ayaan gacanta ku soo dhignay, dadkii xoolahaasi lahaana dib ayaan ugu celineynaa,” ayuu masuulkani hadalkiisii yiri, isagoona intaa ku daray in ay xabsiga dhigeen raggii xoolaha iibinayay.

Dhinaca kale madaxa Zakawaadka Al-shabaab ee gobolka Gedo Sheekh C/risaaq Shureym oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadalka kazoo yeeray maamulka Ahlusunna uu yahay mid aan sal-iyo raad toona lahayn, wuxuuna beeniyay in ay iyagu leeyihiin xoolaha ay gacanta ku dhigeen maamulka Ahlusunna ee degmada Beledxaawo.

 
Hiiraan Online, News Desk.













Click here
11/30/2012 10:51 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Fanaanadda caanka ah ee Saynab Maxamed Cumar Laba Dhagax ayaa maanta muqdisho soo gaartay kadib safarro ay kusoo bixisay dalalka Kenya iyo Uganda.

11/30/2012 10:42 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL)-Madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu horkacayay ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

11/30/2012 10:01 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo shaly magaalada Boosaaso soo gaarey, islamarkaana si weyn loogu soo dhoweeyey, ayaa shir uu Saxaafadda u qabtay kaga hadlay arimo badan.

11/30/2012 10:00 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL)- Madaxweynaha Puntland oo maalintii labaad ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta soo kormeeray dekedda magaalada Boosaaso isaga oo ay weheliyeen xubno ka tirsan golahiisa wasiirada.

11/30/2012 7:25 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in sare loo qaado maqaamka ay dowladda Falastiin ku leedahay Qaramada Midoobay islamarkaasina laga dhigo xubin katirsan kor-joogeyaasha Qaramada Midoobay.

11/30/2012 6:41 AM EST
Khamiis, November, 29, 2012 (HOL)-guud ahaan sanaaduuqdii codbixinta ee golaha deegaanka ayaa xalayba la wada tiriyey, iyadoo magaaladda Hargeysa ilaa tobankii habeenimo la dhameeyey, isla markaana lagu wareejiyey xarunta guud ee Guddida Doorashooyinka.

11/30/2012 4:00 AM EST
Jimco, November 30, 2012 (HOL) —Dagaal culus oo sababay khasaarooyin kala duwan ayaa ka dhacay nawaaxiga degmada Xudur ee gobolka Bakool, iyadoona dagaalku uu u dhexeeyay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.