4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2012
Ciidamada Somaliland iyo xoogagga Khaatumo oo ku dagaalamay Deegaanka Xudun oo ka tirsan Gobolka Sool

Khamiis, November 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay toban kalena way ku dhaawacmeen dagaal Arbacadii shalay deegaanka Xudun ee gobolka Sool ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo ciidamada Khaatumo oo diidanaa in doorasho ay halkaas ka dhacdo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in lixda qof ee ku dhintay dagaalka ay kala ahaayeen laba ka tirsan ciidamadii Khaatumo iyo afar askari oo kuwa Somaliland ah, iyadoo ay labada dhinac ay dagaalka u adeegsadeen hubka culus iyo midka fudud.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in shan ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ay ahaayeen ciidamadii dagaalku u dhexeeyay; halka shanta kalena ay ahaayeen dadka shacabka ah ee deegaanka deggen.

"Dagaalku wuxuu qarxay markii ciidammo ka tirsan kuwa Somaliland ay isku dayeen inay sanaadiiqda doorashada dhigaan deegaanka Xudun, khasaare badan ayaana ka dhashay dagaalkaas oo xaaaladii deegaanka bedelay," ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka Xudun oo uu dagaalku ka dhacay.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxay dadka ku nool deegaanno ka tisan gobollada Sool iyo Sanaag ay dhigayeen dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan doorashada, iyagoo sheegay in dadkii uga qaybgeli lahaa deegaannadooda laga saraay liiska taasna ay tahay sababta ay dibadbaxyada u dhigayaan.

Deegaanno kale oo ku yaalla gobolka Sanaan ayaa waxaa ka jiray xiisado salka ku haya doorashada oo u dhexeeya Somaliland iyo Puntland oo isku haysta deegaanno ka tirsan gobolkaas, iyadoo qaybo ka mid ah deegaannadaas laga codeeyay halka kuwo kalena aan laga codeyn.

Horraantii toddobaadkan wasiirka warfaafinta wasiirka warfaafinta Puntland, Max'ud Caydiid Dirir ayaa uga digay Somaliland inay ka digtoonaato inaysan doorasho ka sameyn deegaannada lagu muransan yahay ee ku yaalla gobollada Sool iyo Sanaag.

Illaa sannadkii 2002 ayaa waxaa maamullada Somaliland iyo Puntland u dhexeeyay dagaallo salka ku haya maamulidda deegaanno ku yaalla gobollada Sool iyo Sanaag oo maamul walba uu sheeganayo inuu isagu maamulo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya