4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 29, 2012
Warbixin ku Saabsan Booqashadii Wafdigii ka Socday Xukuumada Soomaaliya ay ku tageen Magaalada Baladweyne

Khamiis, November, 29, 2012 (HOL) – Maalintii shalay waxaa booqasho ku tagay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan wafdi ka socday xukuumada Soomaaliya oo sidoo kalana ay ka mid ahaayeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

Wafdiga waxaa hogaaminayay Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xusseen Guuleed oo sidoo kale uu wehliyay wasiirrka Kheeyraadka dalka C/risaaq  Cumar Max’ed  iyo xubno xildhibaanno ah oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan Nuur Iidow Beeyle, xildhibaan Daahir Amiin Jeesow iyo xildhibaan Max’ed Amiin Xassan

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne.

Soo dhaweyn kadib waxaa ay xubnaha wafdiga kulan gaar ah la galeen mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobollka C/fitaax Xassan Afrax oo ay ka wada hadlleen xaalada guud ee gobollka.

Markii uu soo dhamaaday kulanka xubnaha wafdiga ka socday xukuumada Soomaaliya waxaa ay hadal u jeediyeen odayaal dhaqameed iyo waxgaradkii ku soo dhaweeyay magaalada iyaga oo ka warbixiyay ujeedada socdaalkooda.

Wasiirrka wasaarrada Kheraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed oo ugu horeyn hadllay ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyiinta gobollka iyo waxgaradka magaalada  si ay u soo dhaweeyeen, isaga oo sheegay in ujeedadooda tahay oo kaliya bal in ay u kuur-galaan xaalada gobollka iyo in ay soo gaarsiiyeen maamulka iyo odayaasha tacsi ay uga sideen madaxda sare ee dowladda oo ku aadan geeridii nabadoon Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade oo lagu dillay Baladweyne.

Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed oo hadalka qaatay ayaa sheegay in ay siweyn uga naxeen geeridii ku timid nabadoon, waana keentay ayuu yiri in aynu safar deg deg ku soo gaarno magaalada Baladweyne.

‘’Anniga nabadoon ma aqoon, laakiin Aabihii iyo Adeerkii ayaan garanayay, dabcan waxaan og-yahay in uu sidii Aabihii ahaa qof nabada jecel, waxaan leenahay Alle ha u naxariisto,’’ ayuu yiri wasiirrka arrimaha gudaha.

Dhinaca kale waxaa uu mahad celin balaaran u jeediyay ciidamada midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti oo si gaar ah waxaa uu uga mahad celiyay howlaha dheeraadka ah oo ay ka hayaan gobollka, haddii ay ahaan lahaayeen arrimaha dib u dhiska, soo celinta nabada iyo waliba gargaarka.

Xildhibaan Nuur Iidow Beeyle oo ka mid ahaa wafdiga oo si gaar ah HOL ula hadllay waxaa uu sheegay in wafdigan uu noqonayo kii ugu horeeyay ee ka socda xukuumada cusub oo booqasho ku taga meel ka baxsan caasimada Muqdisho, isaga oo dhinaciisa tacsi u dirray qoyskii uu ka baxay nabadoon Max’ed Shiikh Xusseen Maryacade.

Guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ayaa sheegay in ka maamul ahaa ay ka guddoomeen xukuumada tacsida nabadoon, isaga oo sheegay maamulka gobollka Hiiraan ee uu guddoomiyaha ka yahay wax badan isku howli doono wax ka qabashada amaanka si looga hortago ayuu yiri kooxaha khatarta ku ah nabad-galyada islamarkaana wasaarrada arrimaha gudaha qoraal ahaan ugu gudbin doonaan hadba halka ay xaaladu mareyso..

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa horay booqasho ugu yimid wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Shiikh Max’uud wax yar uun kadib markii xilkaa loo magacaabay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Baladweyne, Soomaaliya.