4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2012
Madaxweeynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu Hogaaminayay oo si Diiran loogu soo Dhaweeyay Dalka Itoobiya

Arbaco, November 28, 2012 (HOL) —Madaxweeynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo saaka ka ambabaxay Dalka Jabuuti ayaa galabta gaaray magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya

Madaxweeynaha oo ay safarkiisa ku wehlinayeen masuul  katirsan dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka gaashaandhigga Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa waxa si diiran garoonka diyaaradaha magaalada Adisababa ugu soo dhaweeyay ra’isul wasaaraha itoobiya Desalegn, wasiiro iyo madax ka tirsan dowlad goboleedyada dalkaasi.

Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa loo gelbiyay xarunta madaxtooyada Itoobiya kadib markii uu salaan sharaf ka gudoomay ciidamada Baambeeyda dalka Itoobiya.

Kulan xarunta madaxtooyada dalka Itoobiya ku dhexmaray madaxweeynaha Soomaaliya iyo ra’isul wasaaraha dalkaasi ayay uga wada hadleen arimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Madaxweeynaha iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya oo si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay kadib markii uu kulankooda soo dhamaaday ayaa saxaafadda u sheegay in ay kawada hadleen arimo ku saabsan xiriirka iskaashi ee labada dal iyo sidii sare loogu qaadi lahaa.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dowladiisa ay had iyo jeer u taagantahay caawinta Soomaaliya, wuxuuna xusay in dowladda Itoobiya ay Soomaaliya ka caawin doonto arimo badan oo ay kamid tahay dhanka tababarrada saraakiisha ciidamada oo uu xusay in ay muhiim u tahay dib u dhiska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dal qani ah islamarkaasina loo baahanyahay in dadka Soomaaliyeed ay dalka wax kasoo saartaan maadaama buu yiri ay imika nabad kusoo noqoneyso dalka.

Madaxweeynaha Soomaaliya oo ugu danbeyntii goobta kahadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Itoobiya, isagoona xusay in dowladda Itoobiya ay had iyo jeer gacan siineysay Soomaaliya laga soo bilaabo ilaa burburkii dowladii hore ee Soomaaliya ilaa imikana ay garab taagantahay.

Waa booqashadii ugu horeeysay ee madaxweeynaha Soomaaliya uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo intii uu qabtay xilka madaxweynenimo ee dalka.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya