4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2012
Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Madaxweynaha Somaliland ka Raalli-geliyay Qoraal Xafiiskiisa kasoo baxay

Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee qaramadda midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr: Augustine Mahiga, ayaa ka raali galiyey madaxweynaha iyo shacabka Somaliland warqad ka soo baxday xafiiskiisa oo uu madaxweynaha Somaliland si weyn u qoonsaday kuna tilmaamay mid gef ku ah qaranimadda Somaliland.

Weftigan uu hogaaminayo Mahiga oo shalay ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa ayaan si weyn loogu soo dhoweyn madaarka, waxaanu toos ugu tagay madaxweynaha halkaasi oo shir ay albaabadu u xidhan yihiin ku yeesheen xafiiska madaxweynaha.

Kulankaasi madaxweynaha la yeeshay ka dib waxa wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Wasiiirka Arrimaha dibadda Somaliland shirjaraa’id ku qabteen madaxtooyadda, waxaanu ergaygu sheegay inuu ka xun yahay qoraalkaasi madaxweynaha loo soo diray oo uu sheegay in aanu soo dirin, balse xafiiskiisa laga soo diray, waxaanu sheegay inuu ka raaligalinayo madaxweynaha iyo guud ahaan Somaliland, isla markaana masuuliyadeeda qaadanayo wixii ku qornaa warqadaasi.



 “waxaanan qaatay masuuliyadda warqadaasi xafiiskayga uga timid Madaxwaynaha, taasi oo ahayd khalad culus, waxaan u sheegay Madaxwaynaha in warqadaasi si electaroonik ah loo soo saxeexay, loona soo diray, waayo aniguna maan joogin Nairobi iyo Muqdisho midna, waxaan ku sugnaa Qaahira oo aan kaga qayb-galayey shir”ayuu yidhi Mahiga oo ka hadlayey warqadaasi loo soo diray madaxweynaha ee madaxweynuhu ka biyo diiday wixii ku qornaa, waxaanu intaas ku daray “ Warqadaasi waxay ahayd khalad xun, saxna may ahayn, waxaana saxeexayga loo saaray si electaroonik ah, markaa waxaan leeyahay masuuliyadeeda, maadaama oo ay xafiiskayga ka timid, waan ka  xumahay arintaasi, waxaanan ka raali-galinayaa Madaxwaynaha, dawladda iyo shacabka Somaliland”ayuu yidhi.

Ergeygu waxa uu sheegay in xafiiskiisa Hargeysa uu ka shaqaynayo sidii Qarramadda midoobay xidhiidh adag ula yeelan lahayd Somaliland. waxa kale oo uu intaasi ku daray inay gacan siinayaan sidii looga midho dhalin lahaa wada hadalladda u bilaabmay Somaliland Iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay qarrammada midoobay ka aqbaleen raali-gelinta buuxda iyo garowshiyaha ay ka bixiyeen gefkii ay xambaarsanayd warqad dhawaan Mahiga u soo qoray, kaasi oo Madaxweynaha Somaliland ku tilmaamay madaxweynaha maamul goboleedka Somaliland ee Soomaaliya, kaasi oo si weyn uga cadhaysiiyey madaxweynaha oo isna waraaq degdeg ah u qoray oo kaga hadlayo wixii ku qornaa warqadaasi.



Wasiirka Arrimaha dibadda Somalialnd Dr:Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa isna sheegay inuu ka aqbaleen raaligeilntaasi uu bixiyey Ergaygu, sidii horana ula shaqayn doono xafiiska Qaramadda midoobay ee magaaladda Hargeysa.

Khilaafkan ayaa ka dhashay ka dib markii uu waraaq uu soo qoray Ergaygaasi uu Madaxweynaha Somaliland si weyn uga cadhooday, taas oo lagu sheegay in Somaliland tahay maamul goboleed ka tirsan Soomaaliya, balse madaxweynaha ayaa waraaq jawaab ah u diray oo uu ku sheegay inay gef iyo meel ku dhac ku tahay warqadasi Somaliland, sidaa darteedna uu ka fiirsan doono xafiiska uu Mahiga ku leeyahay magaaladda Hargeysa, isla markaana talaabo uu ka qaadi doono la shaqaynta xafiiskaasi.

Haseyeeshee khilaafkaasi soo kala dhexgalay Dr: Augustani Mahiga iyo Somaliland ayaa keentay inuu Mahiga ka raali galiyo madaxweynaha wixii ku qornaa warqadaasi, isla markaana masuuliyadeeda qaadayo, inkastoo uu sheegay in aanu qorin.

Si kastaba ha ahaatee,Ergayga qaramada midoobay u qabailsan Soomaaliya ayaa laba cisho joogi doono dalka,  si uu markhaati uga noqdo qaabka ay doorashadda golaha deegaanka Somaliland u dhacayso, isla markaana ku soo biiray kormeerayaasha caalamiga ah ee kormeeri doona qaabka ay doorashadaasi u dhacayso.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland