4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 28, 2012
Maamulka Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir oo sheegay inay deegaankooda ka qaadeen Isbaarooyinka
Arbaco, November 28, 2012 (HOL) — Maamulka degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay degmadaas ka qaadaan isbaarooyin yaallay, waxayan dowladda ka dalbadeen inay degmadaas geysto ciidammo ka hortaga in isbaarooyinka lasoo celiyo.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley, Macallin Cabdulle Cali Hilowle oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa sheegay in isbaarooyin dhowr ah oo degmadaas yaallay la qaaday, balse ay baqdin weyn ka qabaan inay dib ugu soo laabtaan kooxihii laga qaaday.

"Isbaarooyinkii degmada yaallay waa la qaaday, waxaana dowladda ka dalbanaynaa inay ciidammo keento degmada si looga hortago inay kooxihii isbaarada laga qaaday ay dib u soo dhigtaan," ayuu yiri Macallin Cabdulle.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in isbaarooyinkii oo dhan la qaaday, iyagoo intaas ku daray in kooxihii hubeysnaa ee isbaarooyinka laga qaaday ay weli ku sugan yihiin goobihii isbaarooyinku u oolli jireen, iyadoo dadku ay baqdin ka qabaan inay dib u soo laabtaan isbaarooyinka.

"Ciidamadii isbaarooyinka laga qaaday weli waa kuwo hubeysan oo xaafadaha ku sugan. Waxaa jirta cabsi ah inay dib isbaarooyinku u soo laabtaan, waayo hadda ayaa gaadiidka si hoose oo handadaad ah lacagaha looga qaataa," ayu yiri Cali Maxamuud oo ka mid ah dadka ku nool degmada Dharkeynley.

Degmada Dharkeynley ayaa ka mid ahayd degmooyinka ay yaalleen isbaarooyinka ugu badan ee lacagaha lagu qaado, waxaana qaadistoodan ay daba socotaa amar uu ku bixiyay madaxweynaha Soomaaliya inaan isbaarooyin lagu arki karin jidadka magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya