4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2012
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta la kulmay Wafdi ka socday dalalka Yurub
Talaado, November 27, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweyanaha, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari iyo ra'iisul wasaare, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta siyaabo kala duwan ula kulmay wafdi ka socday dalalka Yurub.

Kulankan wafdigan iyo madaxda dowladda Soomaaliya dhexmaray ayaa ahaa mid albaabbadu u xirnaayeen oo aysan saxaafaddu ka qaybgelin, balse markii uu soo dhammaaday ayaa waxay xubnihii hadlay sheegeen in kulammada intooda badan looga hadlay sidii Midowga Yurub ay u caawin lahaayeen Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa u sheegay safiiradda dalalka Yurub in Soomaaliya ay doonayso in loo caawiyo si ka duwan sidii hore kana mug weyn, iyadoo xubnihii ka socday Midowga Yurub ay ballanqaadeen inay u caawinayaan Soomaaliya si ka duwan sidii hore.

Intaas kaddib waxay wafdi la kulmeen ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) iyagoo ku bogaadiyay dowladda uu soo dhisay iyo qaybta ay ka heleen haweenka, iyagoo sheegay inay ka go'an tahay inay caawiyaan Soomaaliya.

"Waxaan diyaar u nahay inaan si ka wanaagsan sidii hore u garab-istaagi doonaano dowladda cusub ee Soomaaliya," ayuu yiri mas'uul u hadlay wafdiga Yurub oo intaa ku daray: "Soomaaliya rajo wanaagsan ayaa ka muuqato, waxaana la joogaan xilligii la garab-istaagi lahaa."

Safiirrada Midowga Yurub ayaa sidoo kale soo dhaweeyay habka uu ku shaqeynayo baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo ay ku sheegeen inay tahay si waafaqsan dimuqraadiyadda caalamka ka jira.

Ugu dambeyn, ra'iisul waasaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maanta uu la kulmo wafdi ka socda Midowga Yurub, isagoo hoosta ka xariiqay inay u caddeeyeen in Yurub ay diyaar u tahay inay caawiso dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya