4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2012
Hay'adda ILO oo Muqdisho ka Furtay Tababar lagu Tayeynayo Injineerrada Degmooyinka Gobolka Banaadir

Talaado, November 27, 2012 (HOL) — Tababar socon doona muddo lix maalmood ah oo sare loogu qaadayo aqoonta Injineerrada,Shaqaalaha Maamulka Mashaariicda (Procurment), iyo Shaqaalaha waaxyaha Hawlaha Guud iyo Qorshaynta degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka furmay maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho, waxaana tababarkan fulinaysa hay'adda shaqaalaha aduunka ee ILO.

Tababarkan ayaa  qayb ka ah Mashruuc JPLG oo ay ku bahoobeen Shan hayádood oo Qarmaida midoobay ka tirsan oo kala ah ILO, UNCDF,UNDP, UNICEF iyo UNHABITAT. Mashruucan ayaa ka hirgalay Degmooyin ka tirsan gobolada Somaliland iyo Puntland. Hadafka Hindisaha Masrhuucan ayaa ah in Kor loo qaado Maamulka Dawladaha Hoose lana baahiyo Khadamaadka asaasiga u ah Muwadiniinta  ayadoo loo marayo siyaad iyo shuruuc Qeexan, teyenta hayádaha iyo shaqaalaha iyo hormarinta habka khadamaadka loo gaarsiiyo shacabka.

Inta  uu socdo Tababarkan, Waxaa labari doona injineerradu iyo kaafaaidaystaasha kale casharro ku saabsan habka loo sameeyo qiimeynta dhismayaasha iyo sidii howlahooda ay u noqon lahaayeen mid ay ka faa'iideystaan bulshada inteeda kale.

"Dhammaan Soomaaliya ayaa mashaariicdan laga soo qabtay, waxaana loogu talo-galay in lagu tababaro injineerrada degmooyinka iyo saraakiisha Maamulka Mashaaricda arrimo Farsamo oo la xariira habka engineerinka, xuquuda shaqaalaha, Qiimaynta saamaynta Maashaaricda hormarineed ku leedahay deegaanka, Maamulka Qandaraaska, wadashaqaynta bulshada iyo qabka xogbixinta," ayuu yiri C/maalik Jaamac Maxamed oo ah sarkaal ka socda ILO oo ka hadlay tababarkan maanta furmay.

"Qorshaha howshan laga leeyahay waa in bulshada ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir laga caawiyo horumarinta awoodda shaqo iyo sidii adeegyada loo gaarsiin lahaa shacabka degmooyinkaas ku nool," ayuu yiri mas'uul ka socday ILO.

Mashruucan ayaa wuxuu socday muddo shan sano ah oo ku eg sanadan dhammadka ah, balse mas'uulka ka socda ILO wuxuu hoosta ka xarriiqay in mid la mid ah mashruucan la billaabi doono sannadka soo socda ee 2013. Doorka ILO ee Mashruucan ayaa wuxuu yahay in la kobciyo dhaqaalaha maxalliga ah, iyo in shaqo Hufan la hal abuuro hormarinta Kaabayasha Dhaqalaha lana awoodsiiyo hayádaha dawliga iyo kuwa gaarka looleeyahay.

"Waxaan u mahadcelinaynaa maamulka gobolka Banaadir oo gacan nagu siiyay sidii ay howshan u fuli lahayd," ayuu yiri C/maalik oo sheegay inuu rajeynayo in xubnaha ka faa'iideysanaya tababarkan ay wax badan faa'iideysan doonaan.

Intaas kaddib, waxaa isaguna goobta ka hadlay, Inj. Cabdi Geeddi Jaamac iyo Inj. C/risaaq Maxamed Nuur iyadoo labaduba ay sheegeen in tababarkan uu yahay mid faa'iido badan u leh shacabka Soomaaliyeed,gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir.

Tababarkan oo ay ka qayb-galayaan 20 xubnood oo ka socda degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo u badan Injineerro, waxaana tababarkan uu socon doonaa illaa maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Ugu dambeyn, waxaa tababarka furay mas'uul ka tirsan gobolka Banaadir oo lagu magacaabo,Eng Maxamed Cabdulqaadir, wuxuuna goobta ka sheegay in tababarkan uu yahay mid qiimo weyn ugu fadhiya Injineerrada degmooyinka gobolka Banaadir.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya