4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2012
Howgal dad badan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose

Talaado, November 27, 2012 (HOL) —Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Raaskaamboni ayaa kawada xaafadaha magaalada Kismaayo howlgallo baaritaanno ah, iyadoona howlgalladaasi lagu qabqabtay dad fara badan.

Ciidamada ayaa howgallada ka fulinaya xaafadaha Calanleey iyo Farjanno oo ay daraad ka dhaceen qaraxyo, waxaana howlgalladaasi ay ku qabqabteen ku dhowaad 60 qof oo u badan dhalinyaro.

“Howlgallada waxay bilowdeen maalintii uu qaraxa dhacay, ciidamadu waxay qa-bqabteen dad badan, qaar way soo daayeen qaar kalena weli way u xiranyihiin,” ayuu yiri Maslax C/laahi oo kamid ah dadka deegaanka.

Afhayeenka dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni C/naasir Seeraar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalladii ugu danbeeyay ee ay ka fuliyeen Kismaayo ay ku qabqabteen dad badan oo la tuhunsanyahay in ay ku lug leeyihiin falalka amaan darro ee ka dhaca Kismaayo.

Masuulkani ayaa sheegay in dadka la qabtay la marsiin doono baaritaanno, wuxuuna intaa ku daray in lasii deyn doono cidii dambi lagu waayo.

Dhinaca kale waxaa si rasmi ah uga bilowday magaalada Kismaayo ololaha ka hortagga cudurka dabeysha xilli dhawaan xafiiska xiriirka arimaha bini-aadanimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) warbixin uu soo saaray uu ku sheegay in  ku dhawaad 135,000 oo caruur ah oo ku dhaqan degmada Kismaayo ay Qatar ugu jiraan cudurka dabeysha.

Hiiraan Online, News Desk