4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 27, 2012
Uganda oo sheegtay in Kumannaan ciidammo ah oo cusub ay ku xoojinayso howgalka AMISOM ee Soomaaliya
Talaado, November 27, 2012 (HOL) — Dowladda Uganda oo horraantii bishan ku goodisay inay ciidamadeeda Soomaaliya ku sugan kala baxayso haddii aan laga laaban eedeyn uu u soo jeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ah inay taageeraan jabahad ka dagalaanta dalka DR Congo ayaa sheegtay inay 2,000 oo askari oo dheeraad ah ay ku xoojinayso howgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Kabtan Deo Akiiki oo ah afhayeenka qaybta saddexaad ee milareriga Uganda ayaa warbaahinta u sheegay Isniintii shalay in Uganda ay go'aansatay in ciidammo xoojin ah ay u dirto Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay inay yihiin kuwo horay loogu tababaray inay la dagaalamaan jabhad LRA ee ka dagaalanta dalka Uganda.

"Ciidamadan waxay bedeli doonaan 17,00 oo askari ah oo sagaal bilood ka soo shaqeynayay Soomaaliya," ayuu yiri Cap. Akiiki oo intaas ku daray in Uganda ay sii wadayso gacanta ay siinayso dowladda Soomaaliya si ammaanka dalka Geeska Afrika loosoo celiyo.

Howgalka AMISOM ayaa waxaa hoggaanka u haya ciidamad Uganda, iyadoo howgalka ay qayb ka yihiin ciidammo ka socda dalalka Burundi, Kenya, Jabuuti, waxaa kaloo Soomaaliya ku sugan ciidammo ka socda dalka Itoobiya oo aan qayb ka ahayn AMISOM.

Xukuumadda Kampala ayaa u muuqata inay ka laabatay go'aankeedii ahaa inay la baxayso ciidamada kaga sugan Soomaaliya, haddii aanay Qaramada Midoobay ka laaban go'aankii ay eedeynta ugu jeedisay.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay walaac uga muujisay in haddii ciidamada Uganda ay ka baxaan Soomaaliya ay taasi keeni karto in dhibaatadii hore uu dalku ku laabto, halka Al-shabaab iyaguna ay soo dhaweeyeen go'aanka Uganda iyagoo sheegay inay u fududeynayso dagaalka ay ku jiraan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya