4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2012
Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweeynaha Soomaaliya oo si Diiran loogu soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti

Isniin, November 26, 2012 (HOL) —Wafdigii uu hogaaminayay madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, iyadoona halkaasi ay si diiran ugu soo dhaweeyeen madaxda dalkaasi.

Madaxweeynaha ayaa safarkiisa waxa ku wehlinayay wasiirka gaashaandhigga mudane C/xakiim Max’uud Xaaji Fiqi, Xildhibaan ahna la taliyaha madaxweeyanaha Faarax Sheekh C/qaadir iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan.

Wafdiga madaxweeynaha ayaa markii ay gaareen garoonka magaalada Jabuuti waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweeynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, wasiirro iyo madax katirsan dowladda Jabuuti.

Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa salaam sharaf ka gudoomay ciidamada baambeeyda dalka Jabuuti, waxaana intaas kadib madaxweeynaha iyo wafdigiisa loo galbiyay xarunta madaxtooyada dalka Jabuuti, halkaasoo uu kulan kula qaatay dhigiisa dalka Jabuuti.

Labadani masuul ayaa kulan kooda uga wada hadlay xiriirka labada dal iyo arimo la xiriira ciidamada jabuuti ee qeybta ka ah kuwa nabad ilaalinta midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Shir jaraa’id ay oo ay kulanka kadib si wadajir ah u qabteen labada masuul ayay sheegeen in kulankooda ay uga wadahadleen arimo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Safarka uu madaxweeynaha Soomaaliya ku tagay dalka Jabuuti ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee uu ku aado dalka dibadiisa tan iyo intii uu madaxweeyne ka noqday dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in madaxweeynaha iyo wafdigiisa ay usii gudbaan dhanka Itoobiya.

Max'ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho-Soomaaliya