4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka oo Ansixiyay Misaaniyadda uu Baarlamaanku ku shaqeynayo sannadka soo socda

Isniin, November 26, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay miisaaniyadda uu baarlamaanku ku shaqeyn doono sannadka soo socda, iyadoo saxaafadda loo diiday inay goobjoog ka noqoto kulankan.

Kulankii maanta ayaa waxaa xaadiray 176 xildhibaan, iyadoo intii aan codka loo qaadin miisaaniyaddu ay ka doodeen miisaaniyada, waxaana maalmihii ugu dambeeyay ay ka doodayeen mudanayaashu miinaasiyadda uu baarlamaanku ku shaqeyn doono.


Mudanayaal ka mid ahaa kuwii kulanka ka qaybgalay ayaa markii ay dibadda u soo baxeen u xaqiijiyay saxaafadda in miisaaniyadda la ansixiyay, iyagoo sheegay in 110 mudane oo ka mid ahaa xildhibaannadii kulanka soo xaadiray

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay sheegeen in sagaal mudane ay diideen in la ansixiyo miisaaniyadda iyadoona ay ka aamuseen inta kale, waxaana markaas kaddibna uu guddoonka baarlamaanku ku dhawaaqay inay ansax tahay miisaaniyadda.


Miisaaniyaddan oo ah in ka badan $14,000,000 (14 Milyan oo Dollar) ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo baarlamaanku uu ansixiyo inuu ku shaqeynayo sannadka soo socda, iyadoo sidoo kale uu horay u ansixiyay miisaaniyadda ay dowladdu ku shaqeynayso bilaha sannadkan ka haray.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo lasoo xulay bishii Ogoosto ee sannadkan ayaa waxay soo doorteen madaxweynaha Soomaaliay, sidoo kalena waxay ansixiyay ra'iisul wasaaraha iyo xukuumaddiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya