4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2012
Dhaq-dhaqaaq Ciidan oo Xoog leh oo laga Dareemayo Gobollada Haylaan iyo Sanaag ee Puntland

Isniin, November 26, 2012 (HOL) — Dhaqdhaqaaq ciidan oo xoog leh ayaa laga dareemayaa gobollada Sanaag iyo Haylaan ee Puntland, kaddib markii uu soo dhowaadey xilligii la qaban lahaa doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee ay ku loollami doonaan ururada siyaasadda ee Somaliland.

Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland islamarkaana wata gaadiid dagaal oo ay tiradoodu 20 kor u dhaafeyso ayaa lagu soo waramayaa inay soo gaareen tuulada (Boodda-cade) oo masaafo aan dheereyn ka durugsan degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan.

Waxayna wararku intaas ku darayaan in ciidamadani ay hordhac u yihiin wufuud dhowaan dhinaca Somaliland ka iman doonta oo kusoo wajahan degmooyinka: Dhahar, Badhan iyo Laas-qoray, islamarkaana ay xoojinayaan ammaanka si looga hortago wax walba oo caqabad ku noqon kara doorashooyinka Somaliland oo wakhtigii la qaban lahaa ay dhowr beri ka harsan yihiin.

Dhinaca kale waxaa degmada Dhahar ku sugan ciidamo uu wato wasiir ku-xigeenka amniga Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamed. Ciidamadan oo wata kolonyo gaadiidka dagaalka ah waxay fariisimo ka sameysteen gudaha iyo duleedka degmada Dhahar.

Ciidamo kale oo iyaguna ka tirsan Daraawiishta Puntland ayaa lagu soo waramayaa in ay u ruuqaansadeen dhinaca degmada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag, waxaana jirta cabsi xooggan oo ay dadku ka qabaan in uu dagaal qarxo.

Gobollada Sanaag iyo Haylaan oo ka tirsan Puntland, haseyeeshee ay xukuumadda Somaliland sheegato in ay maamulkeeda hoos tagaan, waxaa xusid mudan in ay jiraan siyaasiyiin badan oo u dhashay kuwaasoo kala taageersan labada maamul.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya