4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2012
Xabsiga Degmada Qardho oo noqonaya kan ugu weyn deegaannada Puntland oo shalay Xarigga laga jaray [SAWIRRO]

Isniin, November 26, 2012 (HOL) — Waxaa shalay xarigga laga jaray xabsiga dhexe ee magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo ah kan ugu weyn guud ahaan deegaannada Puntland, isla markaana dhismihiisa la waday afartii sano ee lasoo dhaafay.

Munaasabaddii xabsiga lagu furayey oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiin badan oo ka tirsan Puntland oo ay kamid ahaayeen madaxweyne Cabdiraxmaan (Faroole) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada iyo weliba madax ka socotey hay'adda UNDP.

Madaxweynaha Puntland Dr. Faroole oo isagu si rasmi ah xabsigan xarigga uga jaray ayaa sheegay in ay wax lagu farxo tahay in maanta la furo xabsiga dhexe ee Qardho, kaasoo dhismhiisu uu muddo dheer qaatay, caqabado dhowr ahina ay soo wajaheen.

Gen. Cali Nuur oo ah taliyaha ciidamada asluubta ayaa isna goobta ka sheegay in si wanaagsan loola dhaqmi doono maxaabiista xabsigan lagu soo xiri, loona sameyn doono dhaqan celin , si marka ay dib bulshada ugu noqdaan ay nolosha ula jaan qaadaan.


Xabsigan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee Puntland laga hirgeliyo, wuxuu ka kooban yahay 39 qol, waxaana qolkasta loogu tala galay siddeed maxbuus, iyadoo ay qolalku yihiin kuwo si fiican loo diyaariyey islamarkaana leh jiif wanaagsan.

Bulshada gobolka Karkaar iyo guud ahaan Puntland ayaa si weyn usoo dhoweeyey furitaanta xabsiga dhexe ee degmada Qardho, waxaana la rumeysan yahay in uu wax badan ka bedeli doono nolosha maxaabiis boqolaal kor u dhaafaya oo ku xiran xabsiyada kale ee Puntland.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya