Isniin, November 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkii ugu horreeyay maanta ugu ambabaxay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo daris la ah Soomaaliya, waxaana safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan dowladda.
Dalalka uu madaxweynuhu safarka u aaday ayaa waxaa Soomaaliya ka joogo ciidammo qayb ka ah howgalka AMISOM iyo kuwo aan qayb ahayn, isagoo madaxda dalalka kala hadli doono arrimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha oo safarkiisa uu qaadan doono muddo hal toddobaad ah ayaa wuxuu ku hormari doonaan dalka Jabuuti, isagoo halkaas kula kulmi doono madaxda dalkaas, sidoo kalena wuxuu booqan doonaa dalka Itoobiya, isagoo ugu dambeynna tegi doona dalka Kenya.
Safarkan ayaa noqonaya kii labaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu dalka uga baxo tan iyo markii xilkan loo doortay bishii September ee sannadkan, isagoo safarkii midkan ka horreeyay ku tagay dalka Uganda.
Dowladda Soomaaliya oo noqonaysa tii ugu horreysay oo rasmi ah oo Soomaaliya ay yeelato tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ayaan isku dayaysa inay xiriir wanaagsan la sameyso dalalka caalamka, ayna dib u soo celiso ammaankii ka jiray Soomaaliya.
Madaxda Soomaalida ayaa inta badan lagu xantaa inay tagaan dalka Itoobiya markii ay xukunka qabtaan, iyadoo aan la ogeyn waxa ay booqashadan kaga duwan tahay kuwii ay ku tegi jireen dalkaas madaxdii hore ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Madaxweynaha Somalia oo Markii ugu Horreysay safar ugu Ambabaxay Dalal ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Jabuuti
More News
- Wafdigii uu Hogaaminayay Madaxweeynaha Soomaaliya oo si Diiran loogu soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti
- Jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho oo yeelatay Guddoomiye Cusub Kaas oo si rasmi ah xilka ula wareegay Maanta
- Xildhibaannada Baarlamaanka oo Ansixiyay Misaaniyadda uu Baarlamaanku ku shaqeynayo sannadka soo socda
- Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo soo saaray Amar lagu Joojinayo inay Gaadiidkju socdaan Maalinta doorashada dhacayso
- Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan oo doortay guddoomiye iyo waddooyin xirnaa oo dib loo furay (SAWIRRO)
- Dhaq-dhaqaaq Ciidan oo Xoog leh oo laga Dareemayo Gobollada Haylaan iyo Sanaag ee Puntland
- Ururrada Bulshada Rayidka ah oo loo qabtay kulan shacabka looga digay inay gabaad u noqon Xarakada Al-Shabaab
- Iska-horimaad khasaare dhaliyay oo Booliiska Puntland iyo Kooxo Hubeysan ku dhexmaray Magaalada Gaalkacyo
- Xabsiga Degmada Qardho oo noqonaya kan ugu weyn deegaannada Puntland oo shalay Xarigga laga jaray [SAWIRRO]
- Kooxo hubeysan oo saakay toogasho ku dilay Guddoomiyihii Suuqa Weyn ee Bakaaraha iyo Sarkaal dowladda ka tirsan
- MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: "Ciddii lagu helo Kufsi waa dil toogasho, Isbaaro lacag lagu qaadi karana ma jirto"