4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2012
Kooxo hubeysan oo saakay toogasho ku dilay Guddoomiyihii Suuqa Weyn ee Bakaaraha iyo Sarkaal dowladda ka tirsan
Isniin, November 26, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay saakay guddoomiyihii suuqa weyn ee Bakaaraha, Axmed Nuurre Owdiini iyo sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray, Col. Axmed Cali Siyaad, iyadoo kooxaha dilka geystay ay u suurogashay inay goobta ka baxsadaan.

Dilka guddoomiyaha ayaa waxaa fuliyay sida ay wararka ku dhowdhow halka uu ka dhacay sheegayaan nin ku hubeysan qori fudud, isagoo sidoo kalena toogtay mid ka mid ahaa ilaaladiisii.

"Guddoomiyaha waxaa la toogtay 7:30 aroornimo ee saakay, waxaana xilliga uu doonayay inuu xafiiskiisa galo si uu howl-maalmeedkiisa u billowdo, sidoo kale waxaa lala dilay sarkaal ciidamada dowladda ka tirsan," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa Bakaaraha xilliga uu dilku dhacayay.

Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray dilka kaddib iyagoo halkaas ka billaabay baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii weerarka fuliyay oo markii ay dilka geysteen goobta ka baxsaday.

Mas'uulka la dilay ayaa wuxuu inta badan ka hadli jiray xoojinta ammaanka suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah midka ugu weyn Soomaaliya, waxaana dhawaan uu ka badbaaday qarax loogu qariyay gaarigiisa.

Dilka mas'uulkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa saacado kaddib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh ka hadlayay dilalka qorsheysan ee magaalada laga fuliyay, amarna ku siiyay ciidamada nabadsugidda iyo kuwa booliiska inay ka hortag iyo damba-gal ku sameeyaan dilalka dhaca.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya