4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2012
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: "Ciddii lagu helo Kufsi waa dil toogasho, Isbaaro lacag lagu qaadi karana ma jirto"
Isniin, November 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciddii lagu helo kufsi lagu fulinayo dil toogasho, isagoo sidoo kalena sheegay inaysan jiri karin isbaarooyin lacago lagu qaadayo.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xarunta madaxtooyada kula qaatay xalay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo guddoomiyeyaasha gobollada Shabeellada Hoose, Shabeellada dhexe iyo Galguduud.

"Ciddii lagu helo kufsi xukunkiisu waa dil toogasho, arrintaanna waxaa la waafajin doonaa shuruucda dalka," ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray:"In oday iyo haween uu qabay oo isla jooga inta guriga loo galo in haweeneydii lagu kufsado odaygeedii hortiisa ma ahan mid loo dulqaadan karo."

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay ka hortagto cid walba oo dhibaateynaysa shacabka, isagoo xusay in askari iyo qof kale aan laga ogolaan doonin inay shacabka dhibaatooyin u geystaan.

"Ciddii lagu helo dambi waa dil toogasho, sharciyada dalkana waa la waafajinayaa arrintaas," ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna hadalkiisa kusii daray: "Isbaaro wixii caawa ka dambeeya la dhigan karo ma jirto, askarigii lagu helo iyo taliyihiisanna waa la isla soo qabanayaa."

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in Muqdisho ay yaallaan 60 isbaaro oo dadka shacabka ah looga qaado lacago baad ah, isagoo xusay in lasoo ogaaday lacagta lagu qaado isbaaro walba iyo halka ay ku dhacdo, wuxuuna xusay inaan la ogolaan doonin hadda kaddib in isbaaro la dhigto.

"Wasaaradda maaliyadda iyo lacagta iyo maamulka gobolka Banaadir ma jirto lacago ay qaadi karaan caawa wixii ka dambeeya, waxaana laga doonayaa haddii ay lacag qaadanayaan inay la yimaadaan habkii lagu qaadi lahaa iyo halkii ay ku dhici lahayd," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in lacagaha isbaarooyinka yaalla Muqdisho laga qaado ay ku dhacaan jeebab kale oo aysan ku dhicin qasnadda dowladda taasna ay tahay mid aan la ogolaan karin.

Isgoysyo ay maamulka gobolka Banaadir ay lacago uga qaadi jireen gaadiidka ayaa gabi ahaan la joojiyay, inkastoo ay weli degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood yaallaan isbaarooyin ay dhigteen guddoomiyeyaasha degmooyinkaas, kuwaasoo aan la ogeyn tallaabada ay dowladdu ka qaadi doonto.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay ammaanka, isagoo sheegay in wax lala yaabo ay tahay in qof lagu dilo magaalada cid dabal dilkaas ku sameysana aysan jirin, isagoo xusay in ciidamada booliiska looga baahan yahay inay dambi kasta oo dhaca ay daba-gal ku sameeyaan.

"Waxyaabaha la yaabka leh ee Muqdisho ka dhaca waxaa ka mid ah in la yiraahdo kooxo bastoolado ku hubesan ayaa qof dilay, 10-daqiiqo kaddibna ay xaaladdu isku bedesho sida iyadoo aysan waxba dhicin. Murugaduna waxay ku haraysaa qoyskii qofka laga dilay, taasna waa damiir xumo," ayuu yiri madaxweynaha.

Intaas kaddib madaxweynuhu wuxuu amar ku siiyay ha'yadaha nabadsugidda dalka inay ka hortagaan dambiyada, haddii uu dambigu dhaca wuxuu sheegay in ciidanka booliiska ay daba-gal ku sameeyaan ayna xiraan goobta uu dambigu ka dhacay si ay baaritaanno u sameeyaan.

Guddoomiyeyaashii degmooyinka iyo kuwii gobollada ee madaxweynaha kulanka la qaaday oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka shaqeeyaan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka deegaannada ay gacanta ku hayaan.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir iyo gobollada dalka qaarkood ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo kulan noocan oo kale ah uu madaxweynuhu la yeeshay saraakiisha ciidamada, kuwaasoo uu ka dalbaday inay gacan ka geystaan sidii loo adkeyn lahaa ammaanka deegaannada ay dowladdu ka taliso.

Madaxweynaha ayaa intii uu kulammadan ku jiray waxaa dhinacyadii taagaa ra'iisul wasaaraha xukuumadda cusub, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid), qaar ka mid ah wasiirradiisa iyo howlwadeennada madaxtooyad Soomaaliya qaarkood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya