4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2012
Xildhibaankii seddexaad oo Soomaali ah oo ka mid noqday Baarlamaanka Dalka Sweden

Party: The Moderate Party

Constituency: Stockholms kommun, seat 245

Born: 1955

Address: The Swedish Parliament, 100 12 Stockholm

Telephone: 08-7865683

E-mail: [email protected]

Axad, November 25, 2012(HOL): Soomaalida Sweden ayaa waxa ay baarlamaanka Sweden ku yeelatay xildhibaankii saddexaad oo ka mid ah 349-ka xildhibaan ee fadhiya Baarlamaanka dalka Sweden. Mudane Maxamuud Maxamed Enow waxa uu ka mid noqday xildhibaanada baarlamaanka dalka Sweden iyadii ay xusid mudan tahay in bishii  September 2010 loo doortay xubin suge Baarlamaanka isagoo markaas ka sharaxnaa magaalada Stockholm ee caasimadda dalka.

 

Waa horumar taariikhi ah dhinaca siyaasadda dadka Soomaaliyeed ee dalka Sweden deggan, maadaama uu Maxamed Eenow noqday qofkii seddexaad oo gala Baarlamaanka Dalka Sweden. Maxamed Eenow ayaa wuxuu ka mid yahay xildhibaannada Baarlamaanka Sweden u fadhiya xisbiga talada dalka haya ee Moderaterna .

 

Maxamuud Eenow waxa kale oo uu xubin ka yahay siyaasiinta ku jiro Golaha Degmada Stockholm iyo xaafadda uu deggan yahayba. Mudanaha waxaa uu dalka Sweden yimid 1993 wuxuuna qayb weyn ka soo qaatay hawlo faro badan oo dhinaca horumarinta bulshada Soomaaliyeed ah. Waxa uu ka mid ahaa xubnihii kaalinta fiican ka qaatay abaabulkii iyo dhismihi Ururka Isbahaysiga Soomaaliyeed ee Sweden (SRFS) kaasi oo ah urur dalad oo mideeya ururrada Soomaaliyeed ee dalka Sweden.

 

Howshiisa xildhibaanimo ee dalka Sweden ka sokow waxa uu Mudane Eenow aad u daneynayaa in uu door muhiim ah ka ciyaaro arrimaha dalka Soomaaliya, maaddaama dalka Sweden uu ka mid yahay dalalka sida weyn u daneeya kuna howlan xal-u-helidda arrimaha dalka Soomaaliya. "Waxaan jeclahay fursadda aan helay inaan ugu adeego bulshada Soomaaliyeed aniga oo ku dadaali doono sidii loo heli lahaa maalgalin dalkii hooyo ee Soomaaliya, taageerada dhismaha haykalka dowladnimo ee Soomaaliya si qarankii burburay dib ugu soo istaago cagahiisda" ayuuyiri Maxamuud Maxamed Eenow oo aan xog wareysi la yeelannay.

 

 "Waxaa habboon in qurbo-joogta Soomaaliyeed  ee shanta qaaradood ku kala nool ay is-abaabulaan si ay qayb uga noqdaan dib-u-dhisidda qaranka Soomaaliyeed. Waxaa qorshaha iigu jiro inaan raadiyo sidii ay ku suurta gali lahayd dawladda in dowladda Sweden ay kaalin toos ah ka qaadato dib u dhisidda Somalia" ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

 

Labada mudane kale ee Soomaaliyeed ee iyaguna ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Sweden ayaa kala ah C/risaaq Waaberi iyo Amir Aden oo labaduna ka tirsan xisbiga Moderaterna ee haya talada dalka Sweden. Xisbiga Moderterna waa xisbigii ugu horreeyey ee dalka Sweden ee Soomaalida gaarsiiyay in ay ka mid noqdaan xildhibaanada dalka.

 

Sweden waa dalka kaliya ee ay Soomaalidu ka mid yihiin xildhibaanada fadhiya Baarlamaanka, marka lala barbardhigo dalalka kale ee Yurub iyo guud ahaan wadamada reer galbeedka. Taas waxay muujineysaa in dalka Sweden uu yahay dal ay Soomaalidu ka heleen fursad aad u weyn oo dhinaca siyaasadda. 

 

Waxaan tahniyad u diraynaa Mudane Mohamoud M. Enow, waxaana u rajaynayaa in Eebbe u fududeeyo xilka culus ee hor yaalla. Sidoo kale waxaan uga mahad celinaynaa sharafta uu u soo hooyay Soomaalida meel kasta oo ay caalamka ka joogto.

 

Maxamuud Maxamed Eenow, oo sidoo kale diyaar u ah in uu wax ka qabto arrimaha Soomaalida ku nool Sweden waxaa lagala xiriiri karaa boggaga:

http://www.riksdagen.se/sv/ledamoter-partier/Hitta-ledamot/Ersattare/

 

 

C/llaahi Cilmi M. (Asad), Hiiraan Online

Stockholm, SWEDEN