4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2012
Qarax Xooggan oo Ka Dhacay Xarunta Degmada Kismaayo
Axad, November 25, 2012 (HOL) —Wararka aynu ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Qarax  ka dhacay gudaha xarunta degmada Kismaayo, iyadoona qaraxu ahaa mid aad u xooggan.

Ilaa imika lama garanayo waxa sababay qaraxa, waxaana goobjooge ku sugnaa nawaaxiga xarunta Degmada uu HOL u sheegay in uu arkayay qaac iyo uuro ka baxeysa xarunta degmada.

Xiligii uu qaraxa dhacayay ayaa waxa si toos ah u shaqeynayay dhamaan xafiisyada kala duwan ee xarunta degmada Kismaayo, waxaana sidoo kale ku sugnaa gudaha xarunta dad badan oo howlo ka lahaa degmada.

Wadooyinka mara xarunta degmada Kismaayo ayaa waxa imika xiray ciidamada dowladda iyadoona loo diiday dadka iyo gadiidka in ay isticmaalaan. Waxaana sidoo kale gudaha magaalada laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidamada dowladda.

Lama garanayo khasaaraha ka dhashay qaraxa, mana jiraan masuuliyiin katirsan kuwa dowladda iyo Raaskaambooni oo faahfaahin ka bixiyay.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya aya la wareegeen gacan ku heynta Kismaayo waxa isa soo tarayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ka dhaca magaalada, iyadoona ay xusid mudantahay in aalaaba aan lagu guuleysan in gacanta lagu dhigo kooxaha falalkaasi ka danbeeya.

 

Hiiraan Online, News Desk.