4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 25, 2012
Dib u habeyn lagu sameynayo Waaxyaha Wasaaradda Arrimahah Dibadda iyo safaaradaha Soomaaliya ee Caalamka

Axad, November 25, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya ahna wasiiradda arrimaha dibadda, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay inay isbedel ku sameyn doonto waaxaha ay wasaaraddu ka kooban tahay iyo safaaradaha ay Soomaaliya ku leedahay dibadda dalka.

Wasiirradda ayaa hadalkan ka sheegtay kulan ay shalay oo Sabti ah la yeelatay qaar ka mid ah safiiradda Soomaaliya u jooga dalalka calaamka qaarkood iyo shaqaalaha wasaaradda, iyadoo sheegtay in kulanka uu isugu jiro mid wadatashi ah iyo mid isbarasho ah.

"Howlaha wasaaradda waxay noqon doonaan kuwo la dardar-geliyo, waxaana dib u habeyn lagu sameyn doonaa 11-ka waaxood ee ay ka kooban tahay wasaaradda, sidoo kale safaaradaha dibadda ayaa isbedel lagu sameyn doonaa," ayay wasiiraddu ku sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay kulanka kaddib.

Sidoo kale, wasiirraddu waxay intii uu shirku socday wadatashiyo la sameysay qaar ka mid ah agaasimayaasha wasaaradda arrimaha dibadda, iyadoo inta badan kala hadashay sida la isugu dheelli-tiri karo howlaha wasaaradda iyo sidii wadashaqeyn joogto ah ay u yeelan lahaayeen shaqaalaha wasaaradda.

Fowziyo Yuusuf Xaaji ayaa waxay noqonaysaa haweeneydii Soomaaiyeed ee ugu horreysay oo loo magacabo xilka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, iyadoo markii xilkan loo magacaabay sheegtay inay xoogga saarayso sidii wasaaraddu ay u noqon lahayd mid ka shaqeysa danaha dadka Soomaaliyeed.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo u xilsaaran siyaasadaha dibadda ee Soomaaliya ayaa waxay isku howleysaa soo celinta sharafka dowladnimo ee Soomaaliya, si loo helo aragti wanaagsan oo Soomaaliya ay la wadaagto caalamka intiisa kale.

Xukuumadda cusub ayaa horraantii bishan waxaa ansixiyay golaha baarlamaanka, iyadoo maalmo yar kaddib la dhaariyay, waxaana 10-ka wasiir ee xukuumadda oo ku sugan Muqdisho ay billaabeen dhaqdhaqaayo ay ku kormeerayaan shaqooyinka ay hayaan wasaaradahooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya