4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2012
URURKA SOLJA: “Xeerka Sirdoonka ee uu Baarlamaanka Somaliland Ansixiyay wuxuu si cad uga horimaanayaa Xorriyatul Qawlka”
Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa madaxweynaha u diray waraaq furan oo ay kaga codsanayaan inaanu saxeexan xeerka sirdoonka oo ka hor imanaya xoriyadda saxaafadda Somaliland.

Xeerkan oo bishii ina dhaaftay labadda gole Baarlamaan ansixineen ayaa madaxweynaha horyaalla, kaas oo aanu wali madaxweynuhu dhaqangalin, waxaanay saxaafaddu u saartay guddi ka hawlgasha in aanu madaxweynuhu xeerkaasi saxeexin ee dib loogu celiyo Baarlamaanka.

Xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax ayaa soo saaray bayaan uu madaxweynaha kaga codsanayo in aanu xeerkaasi saxeexin ee uu ku celiyo baarlamaanka si wax looga soo bedelo lagana saaro qodobada khuseeya madax banaanidda warbaahinta.

“Xeerka sirdoonka Somaliland waxa uu si cad uga horimanayaa qodobka 30-aad, 25-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda oo damaanad qaadaya xorriyatul qawlka iyo cabiraada rayiga xorta iyo weliba xeerka saxaafadda Somaliland ee no. 27/2004. ayaa lagu yidhi

War-saxaafadeedkaasi ka soo baxay ururka SOLJA, waxaanu intaas ku daray: “Xorriyatul qawlku waxa uu ka mid yahay mabaadii’da aasaasiga ah ee dastuurka Somaliland, waxaanu bulshada reer Somaliland ugu fadhiyaa qiimo weyn oo aanu ugu fadhiyin cid kale oo adduunyada korkeeda  joogta. Tusaale ahaan sida ay diiwaangeliyeen hay’adaha xuquuqda  aadamaha ee dunidu in ka badan 100,000 oo qof oo shacab ah ayaa u dhintay xorriyadda Somaliland, isla markaana waxa ku naafoobay boqolaal kun oo kale, halka ay ku burburtay dhammaanba wixii ay dadweynuhu hanti kaydsadeen muddo boqolaal sannadood ah. Dhammaanba waxyaabahani waxay dadweynaha reer Somaliland waydaarsadeen qaranimo ku dhisan xurmaynta muwaadinka iyo xorriyaadka aasaasiga ah ee uu leeyahay oo ay ugu horeysa xoriyatul qawlku.”

“Waxa dhici karta in uu jagada madaxweynaha Somaliland ku fadhiisto hogaamiye aan ogayn dhacdooyinkaasi, amaba aan markhaati ka ahayn, laakiin nasiib wanaag madaxweynaha hadda talada dalka Somaliland haya ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) wuxuu markhaati ka yahay dhaawac kasta oo soo gaadhay bulshada Somaliland horeyso iyo dambaysaba, waxaanu ogyahay qiimaha uu xorriyatul qawlku ugu fadhiyo bulshada Somaliland”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi, waxaanu lagu sii daray “Marka intaasi oo dhan laga yimaado, xeerka sirdoonka ee ay
baarlamaanka Somaliland ansixiyeen wuxuu si cad uga horimanaya xorriyatul qawlka qiimaha intaa leeg ku jooga Somaliland iyo dadkeeda.

Haddaba iyada oo uu Madaxweyne Siillaanyo ogyahay kaalinta ay warbaahinta madaxa banaani ku leedahay Somaliland,isla markaana uu xasuusan karo kaalintii ay warbaahinta Somaliland ku lahayd xilliyadii adkaa ee la soo maray, waxa aanu rajaynaynaa in aanu madaxweyne Siilaanyo marnaba saxeexi doonin xeer xakamaynaya amaba faaf reeb ku soo rogaya xorriyatul qawlka. Ku darsoo warbaahinta Somaliland waxay guddi ergo ah u dirtay  madaxweynaha Somaliland todobaadkan dhamaaday gudihiisa. Waxaanay gudidaasi la kulmeen wasiirka Madaxtooyadda Xirsi X. Cali. Waxaanu u balan qaaday in aanu xeerkaasi saxeexi doonin madaxweynuhu, isla markaana doorashada ka dib ay madaxweynaha warbaahintu kala kulmi doonto.

Madaxweyne adiga oo ah halgamaa, isla markaana waxyaabihii aad u dagaalantay ay ka mid ahaayeen xorriyatul qawlku, markhaatina ka tahay wixii dhib loo soo maray, waxaanu rajaynaynaa in aad xeerkaasi dib ugu celin doonto golayaasha sharci dejinta, isla markaana laga saaro qodobada xakamaynaya xorriyatul qawlka.

Baarlamaanka Somaliland-na waxa looga fadhiyaa inay xeerar u sameeyaan hay’adaha dawladda Somaliland oo in yar oo Cigaal xeerarkooda qoray mooyaane aan lahaynba xeer maamul.

Waxaanu qoraalkayaga ku soo gebagabaynaynaa madaxweyne hawlo ka badan baa yaala xakamaynta xorriyatul qawlkee, ha saxeexin ee dib ugu celi golayaasha. Bayaankani waxa uu ka turjumayaa arragtida ay xeerkan ka qaadatay Warbaahinta Somaliland.”

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland