Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa markii ugu horreysay kula kulmay Muqdisho taliyeyaasha ciidmada booliiska, isagoo ku bogaadiyay howsha ay hayaan, kana dalbaday inay xoojiyaan howlaha lagu sugayo ammaanka Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya ahna taliyaha hoggaanka laanta dambi-baarista ee booliiska Soomaaliya, Jen. Cabdullaahi Xasan Bariise oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in kulanku uu isugu jiray isbarasho iyo sidii la isugu guubaabin lahaa sugidda ammaanka goobaha ay dowladdu gacanta ku hayso.
"Kulanka aan maanta la yeelanay wasiirka ammaanka gudaha iyo amniga Qaranka wuxuu ahaa mid ay isku baranayeen wasiirka iyo saraakiisha ciidanka booliiska gaar ahaan, taliyeyaasha hoggaannada, taliyeyaasha qaybaha, ilaalada waddooyinka iyo waaxda ilaalinta canshuuraha. Sidoo kale waxaa looga hadlay adkeynta iyo sugidda ammaanka caasimadda," ayuu yiri Jen. Bariise.
Afhayeenku wuxuu intaas raaciyay in ciidamada booliiska ay dhawaanahan howlgallo lagu xoojinayo ammaanka Muqdisho, isagoo howshaan uga mahadceliyay marka hore Alle, marka xigtana saraakiishii iyo ciidamadii howlgalkan ka qaybgalay.
Dhanka kale, afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya wuxuu ka codsaday dadka ku nool Muqdisho inay gacan ku siiyaan ciidamada booliiska sidii looga hortegi lahaa kuwa dhibaatooyinka ka wada caasimadda.
"Shacabka waxaan leeyahay, ammaanka waa noo wada dan, waa in lala shaqeeyo ciidamada ammaanka si looga hortago kuwa nabadda kasoo horjeeda," ayuu yiri afhayeenka booliiska oo sheegay in dhibaatada aysan ciidanka oo keliya saameyn ku yeelan doonin, balse ay shacabkana saameyn ku yeelanayso.
Kulanka maanta dhexmaray saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa noqonaya kii ugu horreysay noociisa oo dhexmara wasiirka iyo saraakiisha ciidanka booliiska Soomaaliya.
Maxamede Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyto Ammaanka Qaranka oo markii ugu horreysay la kulmay Taliyeyaasha Booliiska Muqdisho
More News
- Dagaal Culus oo ka Dhacay Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo
- Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka Codsaday Shacabka ku Dhaqan Islii in ay Mar labaad Doortaan
- Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo sheegay inay si dhow ula shaqeynayaan Dowladda Cusub ee Soomaaliya
- URURKA SOLJA: “Xeerka Sirdoonka ee uu Baarlamaanka Somaliland Ansixiyay wuxuu si cad uga horimaanayaa Xorriyatul Qawlka”
- Xarakada Al-shabaab oo Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ku Weerartay Gobolka Shabeellada Hoose
- Dood-cilmiyeed looga hadlayay qaabka loo wacyi-gelin karo Dhallinyarada oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)
- Xukuumadda Kenya oo amar ku bixisay in baaritaan lagu sameeyo Khasaarihii ka dhacay Magaalada Gaarisa
- DANJIRE MAHIGA: "Isla-Xisaabtan la'aanta Soomaaliya oo dhammaata waxay muhiim u tahay Xuquuqul Insaanka"
- Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo Mas'uuliyiinta AMISOM kala Hadlay sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidamada Xoogga dalka