4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 24, 2012
Dood-cilmiyeed looga hadlayay qaabka loo wacyi-gelin karo Dhallinyarada oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)

Sabti, November 24, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed ku saabsan sida loo wacyi-gelin karo dhallinyarada dagaallada ka qaybgala ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, waxaana kulankan oo ay soo qabanqaabisay hay'adda CCD ka qaybgalay odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed.

Uug horreyn, doodda waxaa furay Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo ka mid ah oday dhaqameedyadii kulanka ka qaybgalay, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la wacyi-geliyo dhallinyarada dagaallada loo adeegsado, gaar ahaan kuwa Al-shabaab u dagaalama, wuxuuna xusayin wacyigelintooda loo adeegsado warbaahinta.

"Waxaan marka hore u sheegaynaa dhallinyarada la qalday in guryaha loogu tago, idaacadaha lagala hadlo, loo caqli-celiyo, tababarrana loo sameeyo. Soomaaliya waxaa soo maray dhibaatooyin badan oo intooda badan saameeyay dhallinyarada," ayuu yiri Imaam Maxamed.

Imaamka ayaa sidoo kale sheegay in hay'adda CCD ay badiso tababarrada noocan oo kale, kuwaasoo la isugu keenayo odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed si ay uga hadlaan dhaqan-celinta dhallinyarada iyo sida dalka lagu xasilin karo.

Sheekh Axmed Abuukar Gaabow oo ka mid ahaa odayaal dhaqameedyadii kulanka ka qaybgalay ayaa isaguna sheegay sheegay in odayaasha ay kaalin muhiim ka qaadan karaan sidii dhalliniyarada loo wacyigelin lahaa. Isagoo caddeeyay in dilka qofka muslim ah uusan bannaaneyn, wuxuuna dhallinyarada ku taliyay inaysan naftooda haligin.

Ugaas Warsame Cali Suuley ayaa isaguna sheegay inay muhiim tahay in talada odayaasha la qaato, wuxuuna xusay in dhallinyarada ay ilaaliyaan naftooda oo aanay ku dhicin god mugdi ah.

Waxaa kaloo doodda ka hadlay, Malaaq Cabdullaahi Malaaq Cabdulqaadir iyo Shariif Xuseen Jilacoow oo labaduba sheegay in dhallinyarada maskaxda laga qalday marka hore la dhaqan-celiyo, lana tuso faa'iidada ay leedahay nabadda iyo nolosha iyagoo si wadajir ah u xusay inay tahay in la qaato talada odayaasha dhaqanka.

Ugu dambeyn, dood-cilmiyeedkan ayaa qayb ka ah dood-cilmiyeedyo ay hay'adda CCD qabatay, kuwaasoo looga hadlayay; wacyi-gelinta bulshada, nabadgelyada iyo horumarinta shacabka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya