4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2012
Madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo maanta Qardho gaarey iyo muddaaharaad rabshad wata oo ka dhacay

Jimce, November 23, 2012 (HOL)- Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaa maanta socdaal shaqo kusoo gaarey wefdi uu horkacayo madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada. Safarkan ayaa ahaa mid horay loo qorsheeyey, haseyeeshee dhowr maalmood dib u dhacay.

 

Waxyar kahor intii aysan wefdiga madaxweynuhu magaalada Qardho soo gaarin ayaa waxaa ka bilaabmay muddaaharaad rabshad watey, iyadoo ay dadweyne tira badan oo dibad-baxayaal ahi waddooyinka waaweyn ee magaalada qaarkood xireen.

 

Rasaas ay ciidamada ammaanku dadkii dibad baxa dhigayey ku fureen, ayaa waxaa ku dhaawacmay labo qof. Mid kamid ah dadkaas ayaa lagu soo waramayaa in ay xaaladdiisu culus tahay, waxaana dadkan la dhigay Isbitaalka weyn ee magaalada.

 

Muddaaharaadka oo u muuqdey mid looga soo horjeedo in xukuumadda hadda jirtaa ay sanad kale sii shaqeyso ayaa soo gabagaboobey; kaddib markii ciidamo ka tirsan ilaalada wefdiga madaxweyne Faroole iyo Boolisku ay rasaas ku kala cayriyeen dadkii dhigayey.

 

Wasiirka amniga Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan oo isagu maalmihii u danbeeyey magaalada Qardho ku sugnaa, ayaa war-fidiyeenada shir u qabtay, kana warbixiyey sida ay wax u dheceen.

 

Col. Khaliif ayaa xusay in ay rabshad sameeyeen dad uu ku tilmaamay -dhalinyaro loosoo abaabulay sidii ay amniga khalkhal u gelin lahaayeen, islamarkaana ay ogyihiin cidda soo abaabushay iyo weliba ujeedada ka danbeysa.

 

Wuxuuna intaas raaciyey in labo qof oo rayid ahi ay ku dhaawacmeen rasaas ay ciidamadu fureen. Mar la weydiiyey muddada ay wefdiga madaxweyne Faroole magaalada Qardho sii joogayaan wuxuu yiri: "Madaxweynaha iyo wefdigiisu way sii joogayaan inta ay qabanayaan howshii ay u yimaadeen, labo biloodba ha noqotee"

 

Magaalada Qardho ayaa todobaadyadii u danbeeyey waxaa ka socdey shirar looga arinsanayey sidii ammaanka gobolka Karkaar loo adkeyn lahaa. Waxayna arintani kusoo aadeysaa xilli ay jiraan siyaasiyiin badan oo ku doodaya in xukuumadda xiligan ka arimisa Puntland ee uu hormuudka u yahay Dr. Faroole uu wakhtigeeda waxyari ka harsan yahay, halka ay xukuumaddu ku adkaysanayso in mudadii la doortay ay hal sano ka harsan tahay, Dastuurkuna uu sidaas qabo.

 

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

[email protected]

Puntland, Soomaaliya