4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2012
Maxkamadda Ciidamada Dowladda oo xukunno kala duwan ku riday Ciidamo dhac ka geystay Gobolka Shabeellad Hoose

Jimco, November 23, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa afar askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ku ridday xukunno kala duwan oo xabsi ah, kaddib markii lasoo qabtay iyagoo dhac ka geysanaya deegaanno gobolka Shabeellada hoose ka tirsan.

Mid ka mid ah guddoomiye ku xigeennada gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay in askartan oo ahaa shan afar ka mid ah lagu helay dambiga, midkii kalena lagu waayay lana sii dayay, isagoo sheegay in askartan laba mid ah lagu xukumay xabsi daa'in.

"Askarta markii lasoo qabanayay waxay ku jireen falal dhac ah, waxayna ahaayeen shan, balse mid ka mid ah dambi waa lagu waayay laba ka mid ah askartan waxaa lagu lagu xukumay xabsi daa'in, labada kalena waxaa lagu xukumay min shan sano oo xarig ah," ayuu yiri Cabdifataax Cabdulle Yuusuf oo ka mid ah mas'uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM ayaa waxay gacanta ku hayaan degmooyinka Afgooye, Marko, Wanlaweyn iyo degmada Afgooye iyadoo la sheego in ciidamada dowladda Soomaaliya ay deegaannadaas dhac joogto ah u geystaan shacabka ku nool.

Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada hoose ayaa sheegay in isku dhac uu dhexmaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo kooxo doonayay inay isbaarooyin dhigtaan deegaanka Shalaanbood, isagoo xusay in kooxahaas ay ka adkaadeen.

Gobolka Shabeellada hoose ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaasoo khasaare ay kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ku nool deegaannada ay ku dagaalamaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya