4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2012
Jaaliyadda Soomaalida Belgium oo ballan-qaaday Dhismaha Safaaradda iyo Axmad Saleeban Dafle oo ka hadlay

Jimco, November 23, 2012 (HOL) — Iyadoo 20-kii bishan safaaradda Soomaaliya ee dalka Biljamka ku guuleysatay inay ka saarto dad sharci-darro ku deggenaa xarunta safaaradda ayaa waxaa munaasabad lagu soo dhoweynayay arrintaasi lagu qabtay dhismaha safaaradda taasoo ay ka qaybagleen xubnaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium, safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Talyaaniga, danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).

Munaasabadaas oo ay soo qaban-qaabisay safaaradda Soomaaliya ee Belgium iyo jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyay guusha la gaaray, waxaana dadkii kasoo qaybgalay ka mid ahaa Jen. Axmed Saleebaan Dafle oo ka mid ahaa golihii sare ee Kacaanka xilal kala duwanna kasoo qabtay dowladdii kacaanka.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Belgium ku nool ayaa ballan-qaaday inay dayactir ku sameyn doonaan dhismaha safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. Iyadoo kulanka la isku dhaafsaday doodo kala duwan oo jaaliyadda ay ka qabeen qaabka loo abuuri karo dayactir lagu sameeyo safaaradda ayaa markii danbe waxay isku raaceen inay sameysteen guddi u istaaga dhismaha safaaradda oo isku xiraya Soomaalida iyo safaaradda.

Jen. Axmed Saleebaan Dafle ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay tallaabadda looga saaray dhismaha safaaradda dadkii sharci-darrada ku deggenaa muddada dheer, isagoo u mahad-celiyay safiirka Soomaaliya ee Belgium iyo dadkii kale ee gacanta ka geystay in dhismaha saafaaradda soo gasho gacanta dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, Jen. Dafle wuxuu sheegay in dadka laga saaray dhismaha safaaradda ay la macno tahay sharaftii iyo sumcaddii Soomaaliya ay ku laheyd caalamka oo dib u soo noqotay, taasina ay muujinayso guusha safaaradda laga gaaray.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, danjire Nuur Cadde ayaa xoogga saaray sidii dhismaha safaaradda looga saari lahaa dadkii deggenaa, isagoo sidoo kale sheegay inay meel wanaagsan marayso in dadka deggen guriga safiirka isagana laga saaro.

"Meel wanaagsn ayay maraysaa howsha looga saarayo dadka deggen guriga safiirka, waxaana rajo wanaagsan ka qabnaa in sida ugu dhaqsiyaha badan looga baxo gurigaas," ayuu yiri Nuur Cadde oo la hadlayay jaaliyadda Soomaalida ee dalkaaas ku nool.

Ugu dambeyn, Jen. Dafle ayaa ku amaanay danjire Nuur Cadde dadaalka uu u galay badbaadinta dhismooyinka safaaraddaha Soomaaliya ee Belgium iyo Talyaaniga, isagoo ku dhiirrigeliyay inuu sii wado badbaadinta iyo dib u habeynta dhismooyinka safaaradaha Soomaalida ee Belgium iyo Talyaaniga.

Cali Muxyadiin Cali
[email protected]
Braseliss, Belgium