4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2012
Xildhibaanno ka socda Jaamacadda Carabta oo Soomaaliya ay ka mid tahay oo gaaray Marinka Gaza ee dhulka Falastiin


Jimco, November 23, 2012 (HOL) — Xildhibaanno ka socda dalalka Carabta oo ay ku jiraan kuwo Soomaali ah ayaa gaaray marinka Gaza ee dhulka Falastiin oo duqeymo ay ku haysay Israa'iil tan iyo toddobaadkii hore, waxaana ay booqdeen goobihii ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Yuhuudda.

Mudane Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa mudanayaashii dalalka Carabta ee gaaray Gaza ayaa isagoo ku sugan halkaas sheegay inay arkeen dhibaatooyin ba'an oo ay Israa'iil ka geysatay marinka Gaza oo ka mid ah dhulalka reer Falastiin ee ay haysato Israa'iil.

"Waxaan aragnay dhismayaal waaweyn oo burburay, waxaana goobjoog u ahayn maydad laga soo saarayay dhisme la duqeeyay, runtii dhibaatada dhacday waa mid aad u weyn," ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

Xildhibaanka aya sidoo kale, sheegay inay booqdeen intii ay ku sugnaayeen Gaza tan iyo shalay oo Khamiis ahayd goobo badan oo ay Israa'iil madaafiicda la beegsadatay kuwasaoo ay u badan deegaannada ay dadka shacabka ahi deggen yihiin.

Booqashada xildhibaannadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo duqeyn sideed maalmood oo xiriir ah socotay oo ay Israa'iil ku garaacaysay marinka Gaza laga gaaray xabad-joojin aan rasmi ahayn, taasoo looga dhawaaqay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

Xabad-joojinta ayaa waxaa ka shaqeeyay Mareykanka iyo Masar, iyadoo Israa'iil iyo Falastiin ay ogolaadeen in la joojiyo xabbada, balse lama oga waxa xigi doona iyadoo la sheegay in Xamaas ay gantaallo ku dhufatay Israa'iil xabbad-joojinta kaddib.

Duqeymihii u dhexeeyay Falastiin iyo Israa'iil ayaa waxaa ku dhintay 140-qof oo u dhashay dalka Falastiin halka Yuhuudda ay uga dhinteen shan qof oo kaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen duqeymayaas in ka badan kun qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya