4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2012
Maalmihii Ololaha Doorashooyinka Golaha Deegaanka Somaliand oo Maraya Gabo-gabo iyo Xaraaradda Ololaha oo Cirka isku shareertay

Jimco, November 23, 2012 (HOL) — Ololihii doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland ayaa maraysa wareegii u dambeeyey, kaas oo kor u qaaday xaraarada ololaha si weynna looga dareemayo miyi iyo magaalaba.

Toddobaadkan ayaa la soo gabogabaynayaa ololihii iyo dhoolatusyadii ay samaynayeen xisbiyada iyo ururadda ku loolamaya kasbashadda dadweynaha Somaliland, iyado musharax waliba iyo xisbi waliba ku dadaalaayo in maalintii ugu dambaysa kaga tago xasuus, kuwaas oo in ka badan intii u soo bixi jirtay usoo baxayaan, sidoo kale waxa laga gudbay magaalooyinka dhexdoodii, iyagoo ololihii ugu adkee ku marayaan dhulka miyiga Somaliland, kuwaas oo dadka reer guuraaga ah musharax waliba ka codsanayo inay codka siiyaan, waxaanay dadka miyiga ku nool u qaybinayaan musharax waliba kaadhadh ay ku qoran yihiin magaciisa, sawirkiisa iyo numbarka codaynta oo uu hadhow la tagayo goobta codbixinta.

Musharaxiintan iyo xisbiyada ay ka sharaxan yihiin qaarkood ayaa ka gudbay xadka Somaliland iyo Itdoobiya u dhexeeya, kuwaas oo ka ololaynaya gudaha Itoobiya, waxaanay dadka deegaandaasi ee labadda dhinac wada dega ku soo ururinayaan gudaha xadka Somaliland si ay ugu wacyigeliyaan inay cod siiyaan, haseyeeshee arrintaasi waxa iyaguna ka soo horjeeda oo diidan ciidamada amaanka ee dawlad goboleedka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo musharaxiinta Somaliland ku wargeliyey in ay khalad tahay in siyaasadda Somaliland ka jirta loo soo raro dhinaca Itoobiya, sidaa darteed ay musharaxiinta Somaliland ku eekaadaan dhinaca Somaliland iyo xadkoodda, balse musharaxiintan oo dad u codeeya raba ayaan u joojin digniinta la siiyey, kuwaas oo wali wadda inay gudaha dhinaca Itoobiya u gudbaan, inkastoo mararka qaarkood ay isku dayaan inay dadka ka soo daad gurayaan dhinaca itoobiya oo ay xadka Somaliland keenaan si hawlahooda wacyigelineed si fudud ugu hirgasho.

"Waxaa xadka noogu yimid ciidanka Liyuu Booliska Itoobiya, waxaanay noo sheegeen inay labadda dal aanay siyaasadi ka dhexayn, balse amniga iyo wax wada qabsi ka dhexeeyo, sidaa darteed ay khalad tahay in aanu u gudubno dhinaca Itoobiya, waxaase markii dambe shirarkayagii ku qabsanay goob xadka ku taalla, anagoo dadkii Soomalida Itoobiya degta meelo durugsan ka soo gurney oo keenay xadka"sidaas waxa HOL u sheegay Mukhtaar Yuusuf oo mid ka mid ah raga u ololaynayey musharaxiinta ee gudaha itoobiya dadka ka soo gurayey.

Maaha wax ku cusub in xisbiyada Somaliland ka ololeeyaan Itoobiya dhexdooda, waxaana maalinta codeynta gaadiid faro badan lagu soo guraa soomaalida Degta Itoobiya si xisbiga soo qaadaaya ugu codeeyaan, waxaanay keenaan goobaha doorashooyinku ka dhacayaan, waxaana maalmahan gabogabada ah laga dareemaya olola doorashooyinka Dhulka miyiga, iyago inta badan musharaxiintii iyo xisbiyadii magaalooyinkii ay dhoolatusyada ka muujinayeen ka gudbay, waxaana aad arkaysaa musharaxiintii xiitaa isku xisbiga ahayd oo ku tartamaya sidii mid waliba si iskii ah u kasban lahaaa dadka miyiga jooga oo ay codad ay ku soo baxaan uga heli lahaayeen.

Dhinaca kale, toddobadan urur/xisbi ee ku loolamaya doorashadan ayaa imika afar urur dhamaysteen wareegoodii u dambeeyey, halka saddex urur uun ay u hadheen maalintii ay isku soo baxa ugu balaadhan ka dhigi lahaayeen magaalooyinka, dadweynaha kala taageersan mushariinta ayaad arkaysaa iyagoo ku qaylinaya erayo ay ku taageerayaan musharaxa, waxaana ka mid ah erayada ay ku dhawaaqayaan "Alla siiyee siiya (Codka) Geesiga,,,,, Alla siiyee ka daa siigadda……,, waa geesigii oo aan gudob lahayn…., codka iibsan maynoo dollar siisan maynee, hebel oo diyaaraan saaka dooranaynaa…. maanta iyo madasha ", waxaana erayadaasi aad moodaysaa in dhamaan taageerayaasha toddobada urur kala taageersani ka siman yihiin, oo maalinba ururka soo baxa ay taageerayaashiisu u qaadayaan.

Sidoo kale, toddobaadkan ugu dambeeyey oo ah mid ay dadku si weyn u qiiraysan yihiin, isla markaana musharaxiintu ay cidayaha ku dagaalamayaan, oo musharax waliba doonayo inuu kaligii ku kaliyeysto dhoolatuska uu so bandhigayo.

Arrintaasi waxay magaalooyinka waaweyn ka dhigtay mid cadhiidhi ah oo isku socodkii yaraado, isla markaana ay adag tahay intuu ololuhu socda in qof muraad lehi si fudud u gaadho halkii u ku socda wadooyinka ay gaadiidka musharaxintu xidheen awgeed, waxanay taasina kor u qaaday saxmadii magaaladda.

Si kastaba ha ahaatee, maalintii doorashooyinka oo ay maalmo inaga xigaan ayaa la eegi doonaa sida loo kala baxo, maadaama oo saddex xisbi iyo xildhibaano kooban uun la doonayo inay iskugu soo hadhaan, waxaana magaaaladda Hargeysa soo buux dhaafiyey wufuud koob-joogayaal caalami ah oo eegaya qaabka doorashadu u dhacdo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland