4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 23, 2012
Weerarro siyaabo kala duwan uga dhacay Magaalada Muqdisho iyo Degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Jimco, November 23, 2012 (HOL) — Weerarro siyaabo kala duwan uga dhacay xalay degmada Baydhabo iyo magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare nafeed oo kala duwan, iyadoo weerarradan ay ahaayeen kuwo ay fuliyeen xoogag taageersan Al-shabaab.

Iskahorimaad ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid culus wuxuuna qarxay markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay weerareen saldhig ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen jidka warshadaha ee Muqdisho.

"Dagaalku wuxuu billowday xalay saqdii dhexe, wuxuu ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasoo u badnaa baasuukayaal, saakay waxaan aragnay maydadka laba qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ahaa," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deggen jidka warsahadaha oo magaciisa sababo ammaan u qariyay.

Ma jirto labada dhinac cid ka hadashay dagaalka, balse hugunka baasuukayaasha iyo rasaasta fudud ee ay labada dhinac dagaalka u isitmcaalayeen ayaa Muqdisho oo dhan laga maqlayay, waxaana dagaalkan uu imaanayaa iyadoo hay'adda nabad-sugiddu ay sheegtay inay qabtay koox Al-shabaab ka tirsan oo doonayay inay ku qaadaan weerarro saldhigyo ay ciidamada dolwaddu ku leeyihiin degmooyinka kala duwan oo Muqdisho ku yaalla.

Dhanka kale, qarax bambaano oo xalay ka dhacay xaafadda Bardaale ee degmada Baydhabo ayaa waxaa ku dhaawacmay afar qof oo shacab ah, iyadoo maamulka degmadaas ay sheegeen inaysan jirin khasaare weerarkaas kasoo gaartay ciidamada.

Bamkan ayaa lagu weeraray askar ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa goob ganacsi oo xaafaddaas ku taalla, iyadoo la sheegay in afarta qof ee dhaawacmay oo ahaa dhallinyaro wax iibsanayay la dhigay isbitaalka Baydhabo.

Xarakada Al-shabaab oo degmooyin badan oo dalka ku yaalla laga qabsaday tan iyo billowgii sannadkan ayaa waxay wadaan weerarro gaadmo ah oo ay ku qaadayaan goobihii laga qabsaday, waxaana weerarradaas ay khasaare kasoo gaartaa dadka shacabka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya