4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2012
Kooxo hubeysan oo goor dhow nin rayid ah ku dilay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan
Khamiis, November 22, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa goor dhaw ku dilay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne nin rayid ah oo lagu magacaabi jiray, Cumar Sheekh Cali.

Sida ay sheegeen dad ku sugan xaafadda Howl-wadaag kooxo danbley ah oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa rasaas la beegsaday marxuum-ka, kuwaasoo markiiba goobta ka baxsaday.

Lama oga sababta dilka sidoo kalana ilaa iyo hadda lama garanayo kooxihii ka danbeeyay dilka qofka rayidka ah, mana jiro wax war ah oo ay ka soo saareen saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan.

Ma’aha markii ugu horeysay oo magaalada Baladweyne sidan oo kale dil loogu geysto dad rayid ah, iyadoo falkan ugu danbeeyay uu ku soo beegmay xili ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM saldhigyo cusub ka sameysteen bartamaha magaalada si loo xaqiijiyo amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya