4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2012
Ciidamada dalka Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM oo Saldhigyo ka Sameystay Gudaha Magaalada Baladweyne
Khamiis, November 22, 2012 (HOL) — Ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah saldhigyo cusub uga sameystay gudaha magaalada Baladweyne, madaama markii hore ay fariisimo ku lahaayeen daafaha magaalada.

Talaabadan ay qaadeen ciidamada ayaa noqoneysa mid bilow ka ah qorshaha ay kula wareegayaan sugida amniga magaalada iyaga oo kaashanaya ciidamada maamulka gobollka Hiiraan ee dhaawan tababarka loo xiray.

Goobaha ay fariisimaha ka dhigteen waxaa ka mid ah xerada Lama-galaay oo saldhig u ahaa jirtay ciidamadii hore xoogga dalka iyo xarunta maamulka gobollka Hiiraan oo horay ay u daganaayeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa si is daba joog ah garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne uga soo dagayay diyaarado sida cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti, kuwaasoo marka ay soo dhameystirmaan lagu wado in ay si rasmi ah ula wareegaan guud ahaan sugida amniga magaalada sida sheegeen saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan.

Dad ku dhaqan magaalada Baladweyne oo in badan hadal haya isbadalka ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ayaa u muuqda kuwo aan dareen badan ka qabin ciidamada ka socda dalka Jabuuti oo ay ku tilmaamayaan in ay yihiin kuwo ugu yaraan ay isku fahmi karaan dhinaca luuqada madaama ay ku hadalayaan afka Soomaaliga.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa laftirkooda qaba aragti taa la mid ah iyaga oo sheegay in uu jiro is dhaxgal iyo xiriir durbaba u dhaxeeya shacabka magaalada iyo ciidamada maadaama ay si toos ah u wada hadlli karaan.

Dhaq-dhaqaaqan ciidamada AMISOM ay kula wareegayaan saldhigyadii ay horay u daganayeen ciidamada Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyay ay jireen kulamo u dhaxeeya mas’uuliyiinta gobollka, odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada ka socda dalka Jabuuti oo looga arinasnayay sugida amniga.

C/raxmaan Diiini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya