4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2012
Wariyihii BBC-da ee oo Maalintii labaad ku xiran Xabsiga dhexe ee Muqdisho iyo sababtii loo xiray oo laga hadlay
Khamiis, November 22, 2012 (HOL) — Wariyaha BBC-da ee Muqdisho ayaa maalintii labaad ku jira xabsiga dhexe ee Muqdisho, iyadoo maxkamadda ciidamadu ay markii ugu horreysay ka hadashay sababta ay wariye Ibraahim Maxamed Aadan u xireen.


Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Liibaan Cali Yaroow ayaa sheegay in wariye Ibraahin ay u haystaan war been abuur ah oo uu ka sheegay maxkamadda, wuxuuna intaa daray inuu wariyuhu qirtay dembigiisa.

"Bishan horraanteedii ayuu wariyuhu wuxuu idaacadda BBC-da kasii daayay war ku saabsan maxkamada ciidamada qalabka sida, markii la weydiiyay cadeynta warkana wuxuu codsaday in la siiyo fursad uu ku raadiyo xaqiijinta warkaas,  balse maalmo ka hor ayuu caddeeyay in warkaas uusan u ahayn xaqiiqo,  sidaas  darteed ayaana loo xiray," ayuu yiri gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida.

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada ma uusan sheegin inay wariyaha horgeyn doonaan maxkamad,  iyadoo wariyaha uu maalintii labaad ku xiran yahay xabsiga dhexe ee Muqdisho iyadoo aan wax maxkamad ah marin.

Ma jiro hadal kasoo baxay BBC-da oo ku aaddan xariga wariyahooda loogu geystay magaalada Muqdisho, iyadoo xarigan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo wariye ka tirsan idaacaddan BBC-da loogu geysto Muqdisho muddo ka badan 20-sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya