4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 22, 2012
Hay'adda MSF oo daryeel caafimaad iyo quudin u sameysay caruurta ku jira xeryaha Bakaracayaasha ee Muqdisho
Khamiis, November 22, 2012 (HOL) — Hay’adda dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa ka dayrisay xaaladda caafimaad ee caruurta xeryaha barakacyaasha ee Muqisho ku yaalla ku jira, iyadoo sidoo kale sheegtay in caruurtaas ay haystaan xaalado nafaqo-darro.


Warsaxaafadeed ay MSF soo saartay ayay ku sheegtay in iyadoo laga jawaabayo xaaladda adag ee haysata caruurta Soomaalida ay shaqaale ka tirsan MSF ay ka fuliyeen Muqdisho olole soconayay saddex maalmood oo lagu quudinayay carruurta ay da'doodu ka hoosayso shanta sano.

"Kooxda ka socotay MSF waxay booqdeen 34-xero oo ay ku noolaayeen 15,000 oo barakacayaal ah," ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay MSF. Waxaana intaas ay ku dartay warbixintu: "Caruur gaarysa 1,600 ayaa loo sameeyay daryeel caafimaad iyo quudin, kuwaasoo qaar ka mid ah la geeyay xarumaha caafimaad ee ay MSF ku leedahay degmada Xamar-weyne."

Sidoo kale, MSF ayaa sheegtay in inkastoo la xoojiyay in dadku ay cunto ku helaan gudaha Soomaaliya sannadkii 2011-kii,  haddana ay weli haystaan barakacyaasha ku jira xeryaha Muqdisho xaalado nafaqo-darro oo ba'an.

"Dhibaatooyinkan oo sii socda awgeed ayaa sababay in hay'adaha gargaarku aysan awood u helin inay adeegyada gaasiiyaan dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin dadka dhibaateysan, taasoo xalaadda sii adkeysay," ayaa lagu yiri warbixinta MSF ay soo saartay.

Hay'adda MSF ayaa joojisay inta badan shaqooyinkii ay ka haysay Muqdisho, kaddib markii lagu toogtay sannadkii hore xarun ay Muqdisho ku lahayd laba ka mid ah shaqaalaheeda caalamiga ah, kuwaasoo uu toogtay mid ka mid ah shaqaalaha MSF ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, hay'addu waxay warbixinteeda ku sheegtay in bishii Oktoobar 2011 lagu afduubay xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya laba shaqaalaheeda ka mid ah kuwaasoo weli ku jira gacanta afduubayaasha, iyadoo hay'addu ay dalbatay in si shuruud la'aan lagu sii daayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya