4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2012
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga u Taxaabtay Wariyihii BBC ee Magaalada Muqdisho
Arbaco, November 21, 2012 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigtay wariye Ibraahim Maxamed Aadan oo ahaa wariyihii BBC-da laanta afka Soomaaliga uga warrami jiray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Ciidammo milateri ah ayaa wariyaha xabsiga u taxaabay maanta iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn sababta loo haysto, balse warar ayaa sheegaya in wariyahan loo xiray banaamij ku saabsan sharciga, gaar ahaan hab-dhaqanka maxkamadda oo uu kasii daayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.

"Wariye Ibraahim Maxamed Aadan waxaa kaxeystay ciidammo milateri ah, waxaana loo qaaday dhinaca xabsiga weyn ee Muqdisho halkaasoo lagu xiray," ayuu yiri Cali Baashi oo ka mid ah wariyeyaasha ka howgala Muqdisho oo markii la xirayay wariye Ibraahim la socday.

Xariga wariyaha ayaa la sheegay inuu amray guddoomiyaha maxkamadda ciidamada dowladda Soomaaliya, Liibaan Cali Yaroow iyadoo wariyahan uu sare u qaadayo wariyeyaasha ay dowladda Soomaaliya ku xirtay Muqdisho sannadkan 2012.

Ururro u dooda xuquuqda suxufiyiinta Soomaalida ayaa dadaal ugu jira sidii lagu soo dayn lahaa wariye Ibraahim, iyadoo xabsiga wariyahan uu caddeyn u noqonayo inay adag tahay in wariyeyaashu ay ka shaqeeyaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Sannadkan 2012 oo keliya ayaa lagu dilay Soomaaliya 18 wariye kuwaasoo intooda badan lagu dilay Muqdisho, waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro aad u badan, iyadoo sidoo kale xabsiga la dhigay in ka badan lixdameeyo wariye oo badankood lagu xiray Somaliland.

Soomaaliya ayaa ah dalka ugu khatarta badan calaamka ee suxuufiyiintu ay ka howgalaan, waxaana sannadihii ugu dambeeyay ay noqonayaan kuwii ugu badnaa ee dhibaatooyin loo geystay suxufiyiinta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya