4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2012
Madaxweynah Soomaaliya oo wafdi ka socday dalka Ingiriiska ku wareejiyay dhulkii ay ka furan laahayeen Safaaraddooda
Arbaco, November 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxmuud ayaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya kula kulmay wafdi ka socday dalka Ingiriiska, isagoo ku wareejiyay dhul ay ka dhistaan safaaraddooda Soomaaliya.

Wafdigan oo uu hoggaaminayay danjiraha Biritain ee Soomaliya, Matt Baugh ayaa wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in lagu wareejiyay dhulkii ay ka furan lahayeen safaraddooda ku taalla Soomaaliya.

Dowladda Britain ayaa dhawaan sheegtay in sannadka soo socda ee 2013 ay dib uga furi doonto Muqdisho safaaradii ay ku lahayd kaddib 21-sano oo ay Soomaaliya ka jirtay colaad, waxaana wafdiga ka socday Britain ay sheegeen inay dolwadda Soomaaliya uga mahadcelinayaan dhulka ay siisay.

Safaaradda Birtain ee Soomaaliya ayaa waxay deggenyd dhisme ku dhow xabsiga dhexe ee Muqdisho, kaasoo ahaa mid u ijaarnaa, balse hadda waxay noqonaysaa inay iyagu dhistaan dhul ay safaaraddooda ka furtaan.

Maalintii shalay ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya uu safiirka cusub ee Australia ka guddoomay warqadihiisii aqoonsiga danjirenimo; waxaana soo kordhaya dalalka doonayo inay Soomaaliya ka furtaan safaaradahooda.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dalalka kale ee beesha caalamka inay dowladda Soomaaliya soo dhaweyneyso dal kasta oo doonaya inuu dibn u furto safaaraddiisa ama uu xiriir caalami ah la sameynaya Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furay safaarado dhowr ah oo ka mid yihiin safaaradda, Jabuuti, Turkiga iyo kuwo kale, iyadoo dowladda Iiraan ay toddobaadkan horraantiisa sheegtay inay dib u furanayso safaaraddii ay ku lahayd Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya