4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2012
Madasha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo Falan-qaynaya lixdii Qodob ee uu horay u soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya

Arbaco, November 21, 2012 (HOL) — Madasha bulshada rayidka Soomaaliya ayaa ka doodday lixdii qodob ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya kuwasaoo uu sheegay inay saldhig u noqon doonaan waxqabadka dowladdiisa, waxayna sidoo kale ugu hambalyeeyeen ra’iisul wasaare Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir0doon (Saacid) sida uu uga gudbay hannaankii wax-qeybsi ee 4.5 iyo kaalintii uu xubnihii uu haweenka ka siiyay golihiisa wasiirradda oo ay sheegeen inay tahay mid aan horay loo arag.

Sidoo kale, bulshada rayidka ah ayaa waxay ku ammaaneen baarlamaanka ansixintii xukuumadda Soomaaliya, iyagoo ku sheegay xildhibaannada inay u hiiliyeen baahida ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan xukuumad tayo leh oo wax u qabata dadka oo aad u tabaaleysan, kuwaasoo muddo labaatan sano ka badan kusoo jiray colaad.



"Bulshada rayidka ah waxay soo dhaweynaysaa qodobbadii uu madaxweynaha dalka ku dhawaaqay inay saldhig u noqon doonaan waxqabadka dowladdiisa, kuwaas oo kala ahaa: amniga, garsoorka, dhaqaalaha, dib u dhiska Qaranka, dowlad-wanaagga iyo dib u heshiisiinta. Haddii aan nahay madasha bulshada rayidka Soomaaliyeed  waxaan ballan-qaadaynaa inaan si buuxdo ugala shaqeyn doonto dowladda sidii ay ku hirgeli lahaayeen qodobbadaas," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay bulshada rayidka ah kasoo saareen kulankooda.

Qodobbada ay ka doodeen bulshada rayidka ah ayaa waxay ahaayeen kuwii uu ku sheegay madaxweynaha Soomaaliya khudbadii uu baarlamaanka hortiisa ka jeediyay xilligii ay socdeen ololayaasha doorashooyinka madaxnimo ee dalka, taasoo uu ugu dambeyn isagu ku guuleystay.



Madasha bulshada rayidka Soomaaliya ayaa waxay dalka ka howgalaysay mudaddii uu dalka ka jiray burburka iyadoo indhaha bulshada caalamka kusoo jeediyay dhibkii ka taagnaa dalka Soomaaliya, kuwaasoo isugu jiray dagaallo iyo abaaro dad badan ay naftooda ku waayeen.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka kasoo baxay bulshada rayidka ah ayaa lagu xusay in bulshada rayidka ah ay qayb lixaad leh ka qaateen fulinta heshiiskii ROADMAP-ka ee ay soomaaliya kaga baxaysay xilligii KMG ahaa; taasoo ay ka dhalatay dowladda hadda jirta ee joogtada ah, taasoo calaamku uu si rasmi ah u aqoonsaday.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya