4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2012
Al-shabaab oo iska fogeysay Mas'uuliyadda Qaraxii Waxyeellada geystay ee ka dhacay Magaalada Nairobi

Arbaco, November 21, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa iska fogeysay inay mas'uul ka tahay weerarkii qaraxa ahaa ee Axaddii lasoo dhaafay ka dhacay Nairobi kaasoo ay dad badan oo shacab ah wax ku noqdeen.

Afhayeenka howgallada ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Musacb ayaa sheegay inaysan mas'uul ka ahayn qaraxaas, balse aysan ka xumayn dadkii wax ku noqday.

"Xarakada Al-shabaab mas'uul kama ahan qaraxii ka dhacay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, balse waxaa ka dambeeyay kooxo taageersan Al-shabaab oo ka careysan dhibaatada ay dowladda Kenya ku hayso muslimiinta Soomaaliya iyo kuwa ku sugan dalka Kenya,"ayuu yiri Abuu-Muscab.

Laakiinse afhayeenku wuxuu sheegay inay weerarro ka geysan doonaan gudaha Kenya, si ay uga aargutaan dowladda Kenya oo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin kala duwan ka geysteen gudaha Soomaaliya, sida inay kusoo duuleen.

"Waxaan Kenya ka geysan doonnaa qaraxyo ku lug leh doorashada dalkaas ka dhici doonta sannadka soo socda," ayuu yiri Abuu-Muscab oo aan sheegin goobaha ay sida gaarka ah u beegsan doonaan.

Qaraxii ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa waxaa ku dhintay in ka badan sagaal qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 30-qof oo kale, kuwaasoo la dhigay isbitaallada magaalada Nairobi.

Sidoo kale, qalalaase kale oo ka dhashay saddex askari oo Kenya ah oo lagu dilay magaalada Gaarisa ayaa iyaguna sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo gaaray dad shacab ah, waxayna Al-shabaab sidoo kale iska fogeysay rabshadaha ka taagan Gaarisa.

Dowladda Kenya ayaa ku eedeysay Al-shabaab inay mas'uul ka tahay weerarradii ka dhacay Gaarisa iyo Nairobi, inkastoo afhayeenka u hadlay Al-shabaab uu markii ugu horreysay sheegay inaysan lug ku lahayn qalalaasaha ka taagan Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya