4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 21, 2012
Prof. Jawaari oo sheegay in Todobaadka soo socda la ansixin doono Xeerarka uu ku shaqeynayo Baarlamaanka Soomaaliya
Arbaco, November 21, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay in toddobaadka soo socda ay xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ansixin donaan xeer hoosaadka baarlamanka uu ku shaqeynayo afarta sano ee soo socota,  iyadoo ay toddobadyadii lasoo dhaafay socdeen doodo ay xildhibaannadu ka yeelanayaan qodobbada xeer hoosaadka.

Prof. Jawaari ayaa hoosta ka xariiqay in maalinta Sabtida ah ee soo socta la billaabi doono ansixinta xeer hoosaadka baarlamanka, kaddibna ay xildhibaannadu la billaabi doono dhismaha guddi hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya.

‘’Sabtida soo socda ayay xildhibaannadu billaabi doonaam ansixinta xeer hoosaadka baarlamaanka oo in muddo ah ay mudanayaashu ka doodayeen. Ansixinta kaddibna waxaa billaaban doona dhismaha guddi hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliay," ayuu yiir Prof. Jawaari.

Guddoomiyaha baarlamaanku wuxuu hadalkiisa ku daray in ansixinta xeer hoosaadka baarlamaanka iyo dhismaha guddi hoosaadyada ay xigi doonto ka doodista iyo cod u qaadista miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ay ku shaqeyn doonto sannadka soo socda.

''Baarlamaanku wuxuu u shaqeyn doono si wafaqsan sharciga dalka u degsan, sidoo kale rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa inaan horseed u noqonno sidii dalkan uu uga bixi lahaa marxaladihii adkaa ee uu soo maray labaatankii sano ee ugu dambeeyay," ayuu yiri Prof. Jawaari.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sheegay in xiliyada ay ku jiraan fasaxyada ay sii shaqeyn doonaan guddiyada baarlamaanka, xildhibaannaduna ay dhex-geli doonaan shacabka si ay u ogaadaan cabashooyinka ay shacabku qabaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya