4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 20, 2012
Tababarka loo soo xiray saraakiisha iyo ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid casri ah

Talaado, November 20, 2012 (HOL) — Inkastoo tababarka loo soo xiray saraakiisha iyo ciidamada maamulka gobollka Hiiraan uu socday mudo gaaban, ayeey haddana saraakiisha ciidamada AMISOM sheegeen in uu ahaa mid casri ah oo ka faa’ideen intii ka qeyb-qaadatay.

Waxyaabaha ugu muhiimsan oo ay taabteen saraakiisha AMISOM in tababarkan laga faa'iday waxaa ka mid ahaa habka hogaaminta, sida isgaarsiinta casriga ah loo isticmaalo, baarista miinada, wadista gadiidka qufulan ee militarigu isticmaalo, iyo waliba anshaxa guud ee laga doonayo qofka ciidamada ka tirsan.

Siweyn ayaa looga dareemayay saraakiisha iyo ciidamada tababarka u soo dhamaaday aqoontii ay korarsadeen, waxaana ay soo bandhigeen dhuula tus la xiriira wax yaabihii ay barteen, iyaga oo la arkayay qaarkood oo gadiidka qufulan ee militarigu isticmaalo kaxeynaya, kuwo sameynaya miino baaris, iyaga oo ku wada hadllaya isgaarsiinta casriga ah ee la isticmaalo waqtiyada ay dagaaladu socdaan, iyo waliba kuwa kale oo ku shaqeynayay Computer-ka oo ka mid ahaa xirfadihii la baray ciidamada.

"Waxaa uu ahaa tababar casri ah oo waliba aan oran karo waxaa uu la mid ahaa kuwa lagu qaato dalka dibadiisa, sidaa daraadeed waa wax lagu farxo in maanta ciidamada gobollka Hiiraan ku qaadanayaan tababar noocaas ah gobollka gudihiisa ayuu yiri," Jen Cismaan Subagle oo ka mid ah saraakiisha sare sare ee ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya.


Saraakiisha iyo ciidamada tababarka ka faa’ideystay oo qaarkood la hadllay HOL waxaa ay sheegeen in waqtigan ay dareemayaan isku filnaasho iyo waliba in yihiin ciidamo dhameystirin marka la eego dhinac kasta.

Guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo la hadllay saraakiisha iyo ciidamada tababarka la siiyay waxaa uu sheegay in looga fadhiyo ciidamada wixii ay barteen in ay uga faa’ideeyaan nabad-galyada gobollka, madaama sababta loo tababar tahay in ay wax ka qabtaan arrimaha la xiriira amaanka.

Saraakiisha iyo ciidamada loo soo xiray tababarka ayaa hadda looga fadhiyaan in ay wax ka qabtaan nabad-galyada gudaha, mar haddii ay soo qaateen tababar dhinacyada badan taabanaya.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya