4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 2 , 2012
Danjire Augustine Mahiga oo ka hadlay Howlgallada Ciidamada AMISOM iyo Dhismaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya
Jimco, November 02, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayh u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine Mahiga oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay howgallada ciidamada AMISOM iyo dhismaha xukuumadda Soomaaliya.

Danjire Mahiga wuxuu sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku jooga ay qabteen howl aad u wanaagsan; isagoo sheegay in ciidamada Kenya ee qaybta ka noqday AMISOM ay xoojiyeen howlgalka ka socda Soomaaliya.

"Ciidamada Kenya waxay xoojiyeen howgallada AMISOM ee ka socda Soomaaliya, waxayna la wareegeen magaalada Kismaayo oo ahayd meel ay Al-shabaab aad ugu xooggan tahay, qabashada magaaladaasna waxay ahayd howl aad u adag," ayuu yiri danjire Mahiga.

Dhanka kale, wakiilku wuxuu sheegay in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ay u sheegeen in dhawaan ay soo dhisi doonaan xukuumad tayo leh, wuxuuna dhanka kale ammaan u jeediyay madaxdii dowladdii KMG ahayd ee Soomaaliya, kuwaasoo uu ku sheegay inay tiir u ahaayeen in Soomaaliya ay ka baxdo KMG-nimada.

"Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhu waxay ii caddeeyeen inay soo dhameystiri doonaan dowladda Soomaaliya xilli dhowna ay soo bandhigi doonaan liiska golaha wasiirrada cusub," ayuu yiri Mahiga, isagoo intaas ku daray in madaxdu ay ku war-geliyeen in xukuumadda lasoo dhisayo ay meel-marin doonaan lixdii qodob ee uu horay u soo jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, danjire Augustine Mahiga wuxuu sheegay in Soomaaliya ay buuxisay astaamihii dowladnimo ee looga baahnaa; isagoo sheegay in caalamka uu diyaar u yahay inuu gacan-siiyo Soomaaliya.

Hadalka ergayga ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo uu dhammaaday xilligii shaqo ee ciidamada Midowga Afrika, ayna golaha ammaanku hal toddobada ku kordhiyeen howlgalka AMISOM, iyadoo lagu wado inay toddobaadka soo socda xilliga u sii kordhiyaan AMISOM.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya