4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2012
Qarax ay Todobo Qof ku Dhinteen oo ka Dhacay Xaafadda Eastleigh (Islii) ee Magaalada Nairobi
Axad, November 18, 2012 (HOL) — Todobo qof oo rakaab ay ayaa ku dhimatay kadib markii gaari nooca Rakaabka qaado uu ku qarxay meel u dhow Kaniisad ku taal xaafadda Islii gaar ahaan nawaaxiga waaxda loo yaqaan Section One.

Qaraxa oo aan ilaa imika la garanayn waxa sababay ayaa waxa uu ka dhexdhacay gudaha gaariga, waxaana halkaasi kudhintay dhamaan rakaabkii gaariga saarnaa.

“Gaari Matatu ah oo rakaab waday ayaa qarxay isagoo hormaraya kaniisadda dadkii saarnaa oo dhanna way ku dhinteen,” sidaa waxa yiri goobjooge ka ag dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay oo HOL u waramay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ruux baxsaday uu walxaha qarxa kutuuray gaariga, halka warar kalena ay sheegayaan in uu is qarxiyay ruux saarnaa gaariga.

Ilaa imika ma cadda waxa sababay qaraxa, mana jiraan masuuliyiin katirsan booliska magaalada Nairobi oo ka hadlay.

XaafaddaIslii ayaa waxa imika lagu soo daadiyay ciidamo aad u tiro badan oo kuwa Militariga ah, waxaana wadooyinka xaafadda lagu arkayaa gaadiid ciidan iyo dadweeyne kala ordaya.

Ganacsiga xaafadda ayaa inta badan xiran, waxaana dadku ay raxan-raxan u taaganyihiin hareeraha wadooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya