4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2012
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab oo Qurbo-joogta Soomaalida ugu baaqay inay faraha kala baxaan siyaasadda dalka

Axad, November 18, 2012 (HOL) — Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa ugu baaqay qurbo-joogta Soomaalida inay faraha kala baxaan siyaasadda dalka, isagoo uga digay inay dalalka reer galbeedku u adeegsadaan siyaasadda dalkooda.

Sheekh Cali Dheere, wuxuu sheegay in haddii aysan waxba ku tarayn muslimiinta ay ka nabad galaan, isagoo xusay in wararka loo sheegayo ee ku saabsan in Muqdisho ay nabad tahay aysan waxba ka jirin oo aysan ku kadsoomin.

"Muslimiinta oo dhan waa inay ka qaybqaataan jihaadka looga horjeedo gaalada ku sugan dalka, waxaana gaar ahaan qurb-joogta Soomaaliyeed leeyahay haddii aysan waxba u taranayn muslimiinta waa inay ka nabad-galaan," ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab oo la hadlayay idaacad ku hadasha afkooda.

Sidoo kale, Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in qurbo-joogta Soomaalida ah loo adeegsanayo inay dadka ka dhaadhiciyaan inay Muqdisho tahay meel nabad ah oo dib loogu laaban karo, isagoo sheegay inay uga digayaan in reer galbeedku ay u adeegsadaan baabi'inta dalkooda iyo dadkooda.

Afhayeenku wuxuu hadalkiisa ku daray in qarniga uu yahay qarnigii Muslimiinta ayna rajeynayaan in marka la gaaro sannadka 2020 ay isku xirmi doonaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ku ka sugan dalal badan oo Afrika ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Maali iyo Al-jeeriya.

"Qarnigan waa qarnigii Islaamka, marka la gaaro 2020 waxaa isku xirmi doona dagaal-yahannada islaamiyiinta ah ee ku sugan Maali, Aljeeriya, Soomaaliya iyo dalal kale oo Afrika ku yaalla," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Hadalka afhayeenka ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa ka socda Midowga Afrika ee AMISOM ay Al-shabaab kala wareegeen degmooyin badan oo ay awood ku lahayd Al-shabaab sida magaalada Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya