4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2012
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Tallaabo horay loo qaaday ku Tilmaamya Dhaarinta Golaha Wasiirrada Soomaaliya
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa soo dhaweeyay dhaarinta inta badan xubnaha golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya ee uu soo dhisay ra'iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) isagoo ku tilmaamay dhaarinta wasiirrada tallaabo kale oo horay loo qaaday.


Ra'iisul wasaaraha Soomaaiya ayaa soo magacaabay bishan horraanteeda gole ka kooban 10 wasiir, kuwaasoo laba ka mid ah ay yihiin haween, waxaana tiradani ay noqonaysaa golahii wasiirro ee ugu yaraa oo ay Soomaaliya yeelato, iyadoo xubnaha baarlamaanku ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen toddobaadkan.

"Tani waa tallaabo kale oo muhiim ah oo horay loo qaaday, waxayna xaqiijinaysaa dadaalka ay madaxda cusub ee Soomaaliya ku doonayaan inay isbedel uga sameeyaan Soomaaliya," ayuu Ban ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Jimco ah.

Horraantii toddobaadkan ayuu wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah Soomaaliya, Dr. Agusutine Phillip Mahiga wuxuu maalmo ka hor soo dhaweeyay ansixinta golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay ansixinta mid taariikhi ah.

Danjire Mahiga oo sidoo kale ah madaxa xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa ugu hambalyeeyay madaxda Soomaalida dadaalka badan ee ay ku bixiyeen sidii ay u soo magacaabi lahaayeen gole wasiirro oo ay kasoo xusheen qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliya, isagoo xukuumadda u rajeeyay inay noqoto mid howlo wanaagsan la timaadda.

"Xoghayaha guud ee UN-ka iyo wakiilkiisa arrimaha Soomaaliya waxay sugayaa inay madaxweynaha Soomaaliya iyo xukuumaddiisa ay fuliyaan lixdii qodob ee horay uu ugu dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaasoo dalka ku hoggaaminaya in si dimuqraadiyad ah la isku soo doorto kaddib afarta sano ee soo socota," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Ban Ki-Moon.

Ugu dambeyn, warbixinta waxaa lagu sheegay in dhammaan tallaabooyinka ay ka midka yihiin ansixinta iyo dhaarinta golaha wasiirrada ay Soomaaliya u horseedayaan horumar, nabadgalyo, dhaqaalaha oo dib loo nooleeyo, dhismaha nabadda, midnimo iyo xoojinta xiriirka caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya