4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 16, 2012
Dagaal Khasaare Geystay oo kooxo Beeraleey ah ku dhexmaray Deegaano ka tirsan Goboka Shabeellada Hoose
Jimco, November 16, 2012 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo beeraley ah ayaa ku dhintay sideed kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib dagaal ku dhexmaray deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellada hoose kooxo beeraley ah oo ku muransan dhul beereed halkaas ku yaalla.

Dagaalkan ayaa qarxay markii labada dhinac ee dagaalamay ay isku qabsadeen lahaanshaha dhul beereed ay koox waliba dhinaceeda u sheeganayso, iyadoo ay socdaan hadda waanawaanno lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafkaas.

"Inta aan ognahay afar qof ayaa dhintay, sideed kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib dagaal ku dhexmaray deegaanka Warmaxan kooxo beeraley ah. Hadda waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada hoose Maxamed Maxamuud Cilmi.

Odayaasha kooxaha dagaalamay oo ka mid ah beelo wada-dega deegaankaas ayaa dadaal xooggan ugu jira sidii ay u qaboojin lahayaeen xiisadda, iyadoo dagaalkan uu yahay kii ugu horreeyay oo kooxo beeraley ah ku dhexmara deegaankaas tan iyo markii Al-shabaab laga qabsaday bishii hore.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dhinacyada dagaalamay ay weli koox walba ay iyadu sheeganayso inay leedahay dhulka, waxayna sheegeen in weli la dareemayo saansac colaadeed oo sababi karta in dagaalladu ay dib u soo laabtaan.

Deegaankan ayaa ahaa kuwo nabadoon oo ay dadka beeraleyda ahi si nabad ah ku wada nool yihiin sannadihii ay Al-shabaab ka talinaysay deegaannadaas, iyadoo aan la ogeyn waxa dagaalkooda kusoo beegay xilli ay dowladdu ka talinayso deegaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya