4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2012
Mas'uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan oo baaq u diray Xukuumada Somalia ee dhawaan uu Baarlamaanku Ansixiyay
Khamiis, November 15, 2012 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay talaabadii uu dhawaan baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyay xukuumada cusub  ee Soomaaliya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Baladweyne.
         
Afhayeenka maamulka gobollka guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobollka Max’ed Macalin Yuusuf ‘’Garabey’’ iyo afhayeenka maamulka gobollka oo wada jir shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in talaabada uu baarlamaanku qaaday ee uu ku ogolaaday xukuumada cusub tahay mid hormar ah.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ayaa sheegay in xukuumada cusub ay ka filayaan wax qabad, gaar ahaan  waxaa uu farta ku fiiqay xaalad adag oo heysta sida uu sheegay kumanaan qoysas ah oo dhawaan ku barakacay fatahaadii ku dhuftay magaalada Baladweyne.

"Halkan ayaan rabnaa in aan fariin uga dirno xukuumada cusub, waan leenahay talaabada ugu horeysa oo aad qaadaan waa in ay noqotaa sidii wax laga qaban lahaa xaalada bani’aadanimo ee heysata kumanaanka ruux ee dhawaan saameynta ku yeelatay fatahaadii uu sameeyay wabiga Shabeelle," ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Hiiraan.

Guddoomiye ku-xigeenka wuxuu hadalkiisa ku daray in dadka barakacayaasha ah ee ku nool daafaha magaalada Baladweyne ilaa iyo hadda helin gargaar micno leh oo la taaban karo, si gaar ah waxaa uu farta ugu fiiqay dowladda oo uu sheegay in aysan wax kaalmo ah soo gaarsiin dadkaas.

Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan, Maxamed Nuur Caga-joof dhinaciisa warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay sida uu hadalka u dhigay in maanta uu dalku leeyahay xukuumad aan ku meel-gaar aheyn oo rasmi ah, sidaa daraadeed looga fadhiyo wax qabad.

"Annaga ka maamul ahaan horayna waan uga hadllannay wada shaqeynta aan la yeelaneyno xukuumada cusub, mar kale ayaan arintaa ku celineynaa in maamulku wada shaqeyn buuxda la yeelanayo xukuumada cusub,’’ ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka, Maxamed Nuur Caga-joof.

Baaqa uu maamulka gobollka Hiiraan u dirray xukuumada cusub ee ah in la gargaaro dadka ku barakacay daadadkii ugu danbeeyay ee ku dhuftay Baladweyne, ayaa imanaya xili maanta lagu dhaariyay xubnaha cusub ee gollaha wasiirrada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya